Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Barre Hirale oo gaaray magaalada Nairobi,

Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta dawlada kmg ah ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col Bare Aadan Shire(Hiiraale) ayaa Saakay Gaaray Magaalada Nairobi ka dib markii uu ka ambababxay Magaalada Kismaayo iyadoo lagu wado inuu kula kulmo Qaar ka tirsan Madaxda Hey’adaha samafalka ee Qaramada midoobey oo uu ufaahfaahin doono Xaalada Nabadgelyo ee Gobolada Jubooyinka ,isagoo sidoo kalena kulan la qaadan doona safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobi .

Sida uu saxaafada u sheegay Afhayeenka Isbaheysiga Dooxada Jubba Bile Cabdi Bile dheere waxaa hawsha Maamulka Kismaayo sii wadi doona kuxigeenkiisa Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyadoo xilganina ay socdaan dadaal nabada magaalada lagu sugayo kadib dagaalo ka dhacay halkaasi.

Socdaalka wasiirka ayey wararka qaar sheegayaan inuu qaadan doono mudo todobaad ah isagoo madaxda Hey’adaha samafalka uga warami doona Xaalada Gobolada Jubooyinka iyo talaabooyinka uu ka isbaheysigiisu ka qaaday Kooxihii hubeysnaa ee Weerarada ku qaaday Shaqaalaha Hey’adahaasi qaarkood. Ee ka hawlgalayey Goboladaasi oo ay ugu danbeysay Hey’ada DBG ee Dalka Jarmalka.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved