Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Haweeney China u dhalatey oo ku Qeylisay Madaxweyne Bush iyo Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao  mar ay warbaahinta la hadlayeen ayaa dacwad lagu soo Oogey

Haweeneydan oo lagu magaacaabo Dr.Wang Wenyi ayaa waxay ka qeyb galeysay shir jaraa'id oo ay wadajir u qabanayeen Madaxweynaha Mareykanka iyo Madaxweynaha China kaasi oo ka dhacayey Guriga Cad ee looga taliyo Mareykanka.

Markii uu Madaxweyne Hu Jintao hadalka qaatey ayey Dr.Wang qeylo dheer waxay ku tiri Mr. Bushow u sheeg inuu Mr. Hu uu dilka ka daayo dadka haysta diinta la yiraahdo  (Falun Gong) oo ayadu ay ka tirsan tahay.

Dr.Wang  markey qeyladaas ku sameysay Madaxweynayaasha hortooda ayaa waxaa markiiba meesha ka kexeeyey ilaalada Madaxweyne Bush oo si degenaan leh uga codsadey inay raacdo.

ka dib waxaa lagu soo Oogey Dacwad ah inay wajigabax u gaysatey qof Marti u ah Dalka Mareykanka walibana ku sugan Aqalka Cad.

Dr. Wang waxaa hadda  lagu sii daayey damiin haddii lagu helo Dambiga lagu soo oogey waxaa lagu Xukumi doonaa Xabsi gaaraya ilaa lix Bilood iyo ganaax Lacageed oo dhan $ 5000 oo Dollar.
Dr.Waxay Guriga Cad ku soo gashey Warqad si ku meel gaar ah loo siiyey oo aheyd waraaqaha la siiyo dadka ka soda warbaahinta.

Dhacdadaas ka dib Madaxweyne Bush ayaa raali galin u gudbiyey  Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao.

Haweeneydan oo dalka Shiinaha ka soo haajirtay wakhti hore waa dhakhtarad Cilmiga caafimaadka ku Takhasustey waxayna haysataa Madhab laga Mamnuucey dalka Shiinaha.

 

RSTV NEWSROOM
MINNESOTA


© RSTV 2006. All Rights Reserved