|
Isbahaysiga dooxada Jubba oo dib
shaqada ugu soo celiyey gudoomiyihii degmada Kismayo iyo ku xigeenkiisa.
Wasiirka dib u dejinta iyo dib u dhiska ee dowlada federaalka kmg ah ee
Soomaaliya ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Kismayo mas'uuliyiinta
isbahaysiga dooxada Jubba iyo ugaaska beesha Sade si loo soo afjaro xiisadii
dhex martay gudoomiyaha magaalada Kismayo iy o ku xigeenadiisa.
Bare Hiiraale ayaa xarunta degmada Kismayo waxa uu kaga dhawaaqay in
maanta wixii ka danbeeya uu gudoomiyihii degmada Kismayo iyo ku xigeenadiisa
ay shaqada dib ugu soo laabteen isla markaana la xaliyey qilaafkii ka dhacay
xarunta degmada.
Hadalka Hirale ayaa kusoo beegmay ka dib markii 16 maalmood ay xabsiga ku
jireen gudoomiyaha degmada Kismayo iyo ku xigeenadiisa kuwaasi oo xabsiga la
dhigay ka gadaal markii ay gudaha magaalada isku rasaaseeyeen.
Hadalka Hiiraale ayaa soo afjaraya qilaaf gacan ka hadal sababay oo ay ku
dhinteen 3 qof oo dhex maray gudoomiyaha dgemada Kismayo iyo ku xigeenkiisa
dhinaca amaanka.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved
|