Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada oo maanta kulan ku yeeshay xarun u gaar ah oo uu ka samaystay magaalada Baydhabo.

Golaha wasiirada dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay kulan ku yeeshay xarun cusub oo la magac baxday Hoolka Walaalaha, taasoo qalabeynteeda shalay lagu ansixiyay kulankii golaha wasiirada.

Kulankii maanta golaha uu yeeshay oo uu shir guddoominayey ra'isal wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa looga hadlay maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka.

Gabagabdii kulankaasi waxaa saxaafada la hadlay ra’iisal wasaare Geeddi oo ka warbixiyay ajandaha kulankooda iyo waxyaabaha ay isla afgarteen.

“waxaanu maanta kawada hadalnay maamul u sameynta gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaana isku afgaranay in maamul u sameynta laga bilaabo gobolka Bay oo iminka dawladda ay ku shaqeynayso, waxaana arrintaasi soo diyaariyay guddigii loo xil saaray in uu kasoo shaqeeyo oo uu madaxda u ahaa wasiirka kaluumaysiga”.

Ra’iisal wasaare waxa uu intaa ku daray in ay dar dar gelin doonaan maamul u sameynta gobollada dalka si dawladda ay awoodeeda ugu ballaariso gobollada dalka.

Golaha wasiirada oo sameystay xarun cusub si aysan uga kala dhantaalmin kulamadiisa xiriirka ah ayaa u muuqda mid boorka iska jafaya oo si hufnaan ku jirto waajibaadkiisa u gudanaya, ayadoo dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ay sugayaan shaqooyin adag.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved