Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada dowlada federaalka oo maanta ansixiyey xarun cusub oo uu ku shirayo golaha wasiirada.

Kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo uu shir gudoominayey ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayay maanta xubnaha golaha wasiirada dowlada federaalka ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta DFKMG ah ee Soomaaliya .

Kulankan ayey xubnaha golaha wasiirada kaga arinsanayeen dhisida iyo qalabaynta xarun cusub oo uu ku shiro Golaha wasiirada dowlada federaalka iyo xeer hoosaadka golaha wasiirada.

Kulankaasi oo saxaafada ay dibada ka joogtay ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada hadal siiyey wasiirka hantida qaranka iyo qalabaynta Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in kulankoodii maanta ay kaga doodeen qodobo la xiriira qalabaynta xarun cusub oo ay ku shirayaan xubnaha golaha wasiirada iyo meel marinta xeer hoosaadka xukuumada isagoo xusay in ay isku afgarteen in kulan danbe ay ka yeesheen qodobka la xiriira xeer hoosaadka halka ay isku raaceen in xarun cusub loo qalabeeyo golaha wasiirda si meesha looga saaro isdulsaarnaanshiyaha golaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada oo haatan hal xarun ku shiraya.

Maxamud Sayid Aadan ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ay u saareen wasaaradiisa howsha la xiriirta qalabaynta xaruntaasi cusub ee golaha wasiirada uu ku shirayo isagoo sheegay in dhawaan ay u howlgali doonaan sidii xaruntaasi si deg deg ah loogu qalabeyn lahaa.

Ujeedka ka danbeeya qalabaynta xaruntan ayuu ku sheegay Maxamud Sayid Aadan in ay tahay mid lagu dardar gelinayo howlaha golaha wasiirada si looga arinsado culeyska soo fuulaya xukuumada marka la gaaro bisha June dhamaadkeeda kolkaasoo ay ku egtahay gunada golaha wasiirada ay siiso hay’adda horumarinta mashaariicda qaramada midoobay ee UNDP.

Si kastaba ha ahaatee ansixinta qalabaynta xaruntan cusub ee xubnaha wasiirada ay ku shirayaan ayaa timid ka dib markii golaha baarlamaanka uu ansixiyey in magaalada Baydhabo ay noqoto saldhiga sida kmg ah ay ugu howlgalayso dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya inta laga xasilinayo magaalada Muqdisho.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved