Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada baydhabo.

Kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka tirsan wasiiradaha dowlada kuwaasi oo soo bandhigay qorshahooda shaqo dhanta sano ee soo socota.

Kulankii maanta oo ka dhacay xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa warbixino looga dhageysanayey 36 wasaaradood oo ka mid ah 42 wasaaradood ee uu ka kooban yahay golaha wasiirada dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya sida uu saxaafada u sheegay shir gudoonka kulankii ee ra'iuslwasaare ku xigeenka ahna wasiirka iskaashiga gobolada Ismaaciil Hure Buubaa .

Sidoo kale kulankii maanta ayaa lagu gorfeeyey xaalada nabadgelyo ee gobolka bay ayadoo golaha wasiirada ay isku raaceen in arinta nabadgelyada loo daayo gudiga amaanka qaranka ee horey loo magacaabay.

Kulankii maanta xubnaha golaha wasiirada ay ku yeesheen xarunta Adc ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay halkaasi ku yeeshaan tan iyo markii maleeshiyooyin hubeysan ay ishortaageen kulankii golaha wasiirada ee maalintii Sabtida.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved