|
Golaha wasiirada Soomaaliya oo
isku raacay in dayactir xoogan lagu sameeyo cusbitaalka guud ee magaalada
Baydhabo ka dib kulan manata ay yeesheen.
Golaha wasiirada dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo maanta kulan
ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kaga doodeen dayac tirka
cusbitalka guud ee magaaalada oo ah mid gabi ahaanba haawinaya oo aan ka
haqab tiri karin dadka ku dhaqan magaalada adeegyada caafimaad oo ay u
baahan yihiin.
Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay ku simaha ra’iisal wasaaraha
ahna wasiirka iskaashi goboleedka Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxaa ugu
horreyn warbixino looga dhagaystay wasiirka caafimaadka dowladda kmg ah ee
Soomaaliya C/Casiis Sheekh Yuusuf. Kulankaas oo socday qadar saacado ah ayaa
waxaa gaba gabadiisa la hadlay warfidiyeenada ku simaha ra’iisal wasaaraha
Buubaa oo ka warbixiyay waxa ay ka shireen iyo go’aanada ay soo saareen.
“waxaanu kaga hadalnay kulankii maanta sidii loo qalabeyn lahaa cusbitalka
guud ee magaalada, waxaanu la xiriirnay masuuliyiinta Unicef oo aan kala
hadalnay qalabeynta cusbitalka iyo sidii loo keeni lahaa dhaqaatiir ka howl
gasha, waxaanu sidoo kale la hadalnay masuul ka tirsan WHO oo lagu magacaabo
Dr Ibraahim, isagana waxa uu noo ballan qaaday dhaqaatiir, qalab iyo
dawooyin in uu soo dirayo”.
Ku simaha ra’iisal wasaaraha waxa uu intaa ku daray in kulankooda ay ku
magacaabeen 7 wasaaradood oo sida ugu dhaqsida badan wax uga qabta
cusbitalka guud ee magaalada Baydhabo. Wasaaradaha howlaha guud iyo
guryeynta, dib u dhiska iyo dib u dejinta iyo hantida qaranka iyo qalabeynta
ayaa loo xil saaray dayic tirka cusbitalka, halka wasaaradaha caafimaadka,
arrimaha bulshada iyo xuquuqul insaanka, waxbarashada iyo shaqada iyo
shaqaalaha loo xil saaray in ay baadi goob u galaan sidii hay’adaha QM hoos
taga sida WHO iyo Unicef iyo waliba hay’adaha dowliga aan ahayn ay gacan uga
gaysan lahaayeen qarashaadka ku baxaya dib u howl gelinta cusbitalka guud ee
magaalada oo ah cusbitalka qura ee ku yaalla magaalada Baydhabo.
Marka laga soo tago qodobka ugu muhiimsan oo ay ka doodeen golaha
wasiirada waxaa kale oo jiray qodobo kale oo ay isku soo qaadeen golaha
wasiirada oo ay kamid ahaayeen warbixino laga dhagaystay wasiiru dowlaha
wasaarada dib u heshiisiinta iyo jaaliyadaha oo dhawaan kasoo laabtay
socdaal uu kusoo maray deegaano hoos taga goballada Gedo, Bakool iyo jubada
dhexe iyo waliba qoraalkii horay ay usoo gudbiyeen qaar kamid ah wasaaradaha,
kaasoo ka tarjumayay qaabka ay howlahooda u gudanayaan oo markii hore ku
qornaa afka Englishka,ayadoo maanta laysku raacay in wasiirka xuquuqul
insaanka Xuseen Ceelaabe Faahiye uu soo diyaariyo oo uu kasoo dhigo af
Soomaali. Kulanka maanta ayaa kusoo beegmay xilli baahida loo qabo howl
gelinta cusbitalka guud ee magaalada laga dareemayo guud ahaan gobolka Bay
oo ay kasoo cusboonaadeen xiisado hor leh iyo falal ammaan darro oo sababay
dhimasho iyo dhaawac.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Xafiiska RSTV Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |