Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha kacdoonka difaaca diinta iyo dalka oo maanta soo bandhigat Asnaam iyo Qamri laga soo helay xarumo ay horey gacanta ugu heyn jireen xubno ka tirsan isbahaysiga la baxay la dagaalanka argagixisada.

Gudoomiyaha golaha kacdoonka difaaca diinta iyo dalka Sheekh Axmed Qarre ayaa maanta saxafiyiinta Muqdisho waxa uu usoo bandhigay mukhaadaraad iyo asnaam uu sheegay in laga soo helay guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Sheekh Axmed Qare oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta golaha kacdoonka difaacada diinta iyo dalka ee degmada Hodan ayaa soo bandhogay dhalooyin qamri ah iyo waliba Asnaam ka samaysan geedo la qoray waxaana uu sheegay in waxyaabahan ay gacanta ku dhigeen xiligii dagaalka qaraari uu dhex marayey maxkamada islaamiga ah iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho ay isku gaashaan buursadeen.

" Dadkan ceenkan oo kale ah ee guryahooda laga soo helay waxyaabahan aadka xun ay ku candocoonayaan in ay diinta iyo shacabkaba u adeegayaan ayagoo sheegaya in dayactiro ay ku samaynayaan masaajida iyo goobaha diinta lagu barto" ayuu yiri Sheekh Axmed Qare oo intaasi sii raaciyey " dhaqankooda iyo waxa dadka ay u sheegayaan waa labo kala fog oo isdiidiya".

" Aniga waxyaabahan aan maanta idiin soo bandhignay waxaa nasoo gaarsiiyey midowga maxkamada islaamiga ah ee gobolka Banaadir ,sida aan indhihiina ku aragtaan waxa idiin horyaalla waa qamri lagu soo sameeyey wadamada Musanbiig iyo Itoobiya,sidoo kale waxaa idiin horyaalla sanam naag qaawan oo uur leh ,marka wax loo dul qaadan karo ma ahan in shacabka muslimiinta lagu dul hayo waxyaabahan foosha xun" ayuu mar kale yiri gudoomiyaha golaha kacdoonka difaaca diinta iyo dalka oo intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii watta "agabkan aad arkeysaan waxaa laga keenay guriga Cabdi Waal iyo xarumihii maxaakiimta ay la wareegeen ee Bashiir Raage uu gacanta ku hayey sida garoonka Cesilay ".

Gudoomiyaha golaha kacdoonka diinta iyo dalka ayaa umada Soomaaliyeed ee kud haqan magaalada Muqdisho waxa uu ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan dhagarta ay wadaan isbahaysiga la baxay la dagaalanka argagixisada isagoo ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii kooxahan looga hortagi lahaa isbahaysigan usoo dhigtay la dagaalanka diinta iyo karaamada umada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved