Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Prof.Cali Maxamed Geeddi uu ku fool leeyahay Toddobaadkani gudahiisa Degmada Jowhar oo horey halkaasi xarun ugu aheyd.

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay ayaa waxa ay sheegayaan in Ra段isal wasaaraha Dowladda Federaalka Prof.Cali Maxamed Geeddi uu ku fool leeyahay Toddobaadkani gudahiisa Degmada Jowhar oo horey halkaasi xarun ugu aheyd.

Warar aanu sidoo kale ka helnay Jowhar ayaa iyana sheegaya in halkaasi laga bilaabay qorshe lagu howl gelinayo Xafiiska Ra段isal wasaaraha ee magaaladaasi ku yaalla oo la sheegay inay dhowaan ka bilaabaneyso howshii xukuumadda.

Waxaa Degmada Jowhar tegay Prof. C/llaahi Axmed Qude oo la sheegay inuu yahay madaxa Xafiiska Ra段isal Wasaaraha, wuxuuna halkaas ka sheegay inuu Jowhar u yimid dardar gelinta xafiiska Ra段isal wasaaraha ee Jowhar, laguna sameynayo qalabeyn cusub, wuxuuna sii raaciyay in arrinta ugu muhiimsan ee uu qaban doono ay tahay diyaarinta xafiiska Ra段isal wasaaraha.

Xafiiska Ra段isal wasaaraha ee Jowhar ayaa howlgab ahaa tan iyo aakhirkii Bishii Febraayo markii xubnaha labada Gole ee kala deganaa Muqdisho iyo Jowhar ay wada tageen magaalada Baydhaba, waxaana arrintan loo arkaa inay tahay calaamad muujineysa inuu Ra段isal wasaare Geedi dib ugu laaban doono Jowhar, inkastoo aan la ogeyn inay taasi ku dhici doonto iyadoo heshiis ay ku yihiin madaxda sare iyo Baarlamaanka iyo in kale.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
Muqdisho

 


ゥ RSTV 2006. All Rights Reserved