Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Geedi oo loogu yeeray kasoo qeybgalka kulan maalinta bari ah ay yeelan doonaan mudanayaasha baarlamaanka.

Xildhibaanada golaha baarlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday maalinta berrito ah in ra’iisal wasaraha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi uu hor yimaado baarlamanka si su’aalo looga weydiiyo xafiiska dawladda Ethiopia ay ka furatay magaalada Hargeysa iyo safiirka cusub oo ay usoo magacaabtay maamulka la magac baxay Somaliland.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen golaha baarlamanka ayaa waxa ay xildhibaanada si weyn uga doodeen xafiiska dawladda Ethiopia ay ka furatay magaalada Hargaysa iyo waliba safiirka cusub ee loo soo magacaabay oo waraaqihiisa aqoonsiga hordhigay madaxweynaha maamulka la magac baxay Somaliland Daahir Raiyaale Kaahin, taasoo lagu macneeyay in ay ka turjumayso aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaanadii maanta aragtidooda ka dhiibtay doodii baarlamanka ayaa wajiyadooda laga dareemi karay carada ay u qabeen dawladda Ethiopia oo ay ku eedeeyeen in ay doonayso kala ququbida dalka Soomaaliya, ayagoo ka dalbaday ra’iisal wasaare Geeddi in uu berrito hor yimaado golaha baarlamanka si uu sharaxaad uga bixiyo sababaha dawladda Ethiopia ay danjire ugu soo magacaabtay maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa ku wargeliyay in ay maalinta berrito ah isku yimaadaan si ay su’aalo uga weydiiyaan xafiiska dawladda Ethopia ay ka furatay maamulka Somaliland ra’iisal wasaaraha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Max’ed Geeddi oo dhawaan ay ku heshiiyeen dawladda Ethopia in ay safaarad ka furato Soomaaliya, isagoo xariga ka jiray dhismaha safaarad cusub oo dawladda Soomaaliya ay ka furatay magaalada Adis Ababa.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved