Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra'iisal wasaare Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo.

Wasiirka koowaad ee dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay oo dhan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa maanta gelinkii danbe waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubnaha labada gole ee halkaasi ku sugan.

Cali Maxamed Geedi iyo wafdigii la socday ayaa markii ay soo gaareen magaalada Baydhabo waxa ay diideen in saxaafada ay wax war ah ka siiyaan waxyaabihii kasoo baxay kulamadii kala duwanaa ee ay magaalada Nairobi kusoo qaateen.

Ra’isalwasaaraha ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasi oo uu kulamo kula qaatay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Sheekh Aadan,gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo saraakiil beesha Ceyr ka socotay oo kulamo kula lahayd Nairobi mas’uuliyiinta safaarada Mareykanka ee halkaasi yo mas’uuliyiin ka socotay wadamada deeqaha bixiya.

Cali Maxamed Geedi ayaa la filayaa in dhawaan golihiisa wasiirada uu faahfaahin ka siiyo mirihii kasoo baxay kulamadii Nairobi uu kusoo qaatay waxaana soo labaashada geedi ay kusoo beegmaysa xili amniga magaalada Baydhabo uu is badal ku yimid ka dib markii maleeshiyooyin hubeysan ay magaaladaasi kusoo bateen kuwaasi oo dhac iyo boob ka geysanaya halkaasi.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.


© RSTV 2006. All Rights Reserved