|
Cali Khaliif Galayr oo ku
tilmaamay dagaaladii Muqdisho ka dhacay ee dhex maray isbahaysiga la
dagaalanka argagixisada iyo maxkamada islaamiga ah dagaalo beeleed.
Ra’isalwasaarihii hore ee xukuumadii lagu soo dhisay tuulada Carta ee
wadanka Jabuuti Cali Khaliif Galeyr oo xalay u waramayey mid ka mid ah
idaacadaha madaxa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa gaashaanka u daruuray in
dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa dhex maray maxaakiim
islaami ah iyo gaalo dibo dhilif u ah laakiin waxa uu sheegay in dagaalkaasi
uu ahaa dagaal beeleed inkastoo hogaamiyaal isbiirsaday ay faraha kula
jireen.
“Aniga uma arko dagaalkii Muqdisho ka dhacay mid mabda’ iyo diin ku
salaysan laakiin waxaan u arkaa dagaal beeleed dhex maray qabaa’ilka
Muqdisho ku xooggan oo haatan doorbaday in ay isku laabtaan oo ay diriraan”
ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo intaasi ku daray “ Inkastoo hogaamiyaal
kooxeedyo ay meel isu urursadeen isla markaana ay samaysteen isbahaysi
hadana lama oran karo dagaalku waxa uu ahaa mid dhex maray maxaakiim islaami
ah iyo kooxo gaal raac ah.
Dhinaca kale Cali Khalif Galeyr ayaa ka hadlay xiisadaha kasoo kordhay
magaalada Baydhabo waxaana uu sheegay in madaxweynaha dowlada kmg ah ee
Soomaaliya loo baahnaa marka xiisadahani aydhaceen in durba uu kulan la
qaato odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle isla markaana uu hoos u
dhigo dhaqdhaqaaqa ciidamadiisa ay ka wadaan magaalada Baydhabo iyo
deegaanada la xiriira.
Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Kha;iif Galeyr ayaa sheegay in
haddii arintu ay sidan kusii socoto madaxweynuhuna uusan xakamayn ay keeni
karto in ay isku dhacaan saraakiisha ururka RRA-da oo qaarkood haatanba
madaxweynaha ku kacsan laakiin dhowranaya danaha ay leeyihiin isagoo ugu
madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya uu arinta si toos ah u faro geliyo
isla markaana maleeshiyaadka uu dhaqdhaqaaqooda hakiyo inta xiisada ay ka
degayso.
Hadalka Cali Khaliif Galeyr ayaa kusoo beegmaya xili ay degtay xiisadii
ka dhex taagnayd isbahaysiga islaam la dirirka iyo maxkamada islaamiga ah ee
gobolka Banaadir waxaana hadalka Cali Khaliif Galayr uu ka hor imanayaa
hadalo mas’uuliyiin Soomaali ah ay horey u jeediyeen oo dagaalka ka dhigayey
mid u dhaxeeya maxkamada islaamiga ah iyo kooxo reer galbeedka kula soo
heshiiyey in culimada ay usoo dhaafiyaan.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |