Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada Mareykanka oo ugu baaqday dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho in ay joojiyaan xiisadaha colaadeed ee ay wadaan.

Dawladda Washington ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xiisadaha colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdsiho, waxa ayna codsatay in la dajiyo xiisadaha, isla markaana laga fogaado wax kasto oo abuuri kara dagaal mar kale ka qarxa magaalada Muqdisho oo horay ay uga dagaalameen isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka iyo maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir.

"Dawladda Mareykanka waxa ay uga baaqaysaa dhamaan Soomaalida in ay ka shaqeeyaan in la dajiyo xiisadaha colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho" sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal laga soo saaray safaarada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi oo intaa ku dartay "dagaallo hor leh oo ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa dan weyn ku qaba qolyaha mayalka adag".

Safaarada Mareykanka waxa ay ku boorisay dhamaan Soomaalida in ay ka shaqeeyaan nabada, taageeraana dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya, khilaafaadka u dhaxeeyana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo waan waan.

Qoraalka kasoo baxay safaarada Mareykanka waxa uu kusoo beegmay xilli xiisado colaadeed oo u dhaxeeya isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo la sheego in uu taageero ka halo Mareykanka iyo maxaakimta islaamiga, ayadoo dadka reer Muqdisho uu lasoo gudboonaaday qal qal xoogan oo ay ka qabaan in mar kale dagaallo ka dhacaan magaalada Muqdisho oo tiro 2 jeer ah ay ku dagaalameen maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir.

Qoraalkan waxa uu sidoo kale ku soo beegmaya xilli dawladda Soomaaliya ay shalay magacaawday guddi baaritaano kusoo sameeya wadamada taageera dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho, ayadoo ra'iisal wasaarahana uu ku eedeeyay dhinacyada ku hartamaya Muqdisho in ay u adeegayaan wax uu ku sheegay dano shisheeye.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved