Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Tirintii Waraaqaha doorashada Talyaaniga oo Rajo xumo u Muujisey Silvio Berlusconi.

Doorashadii muranka weyn dhalisey ee ka dhacdey taddobaadkii hore waddanka Talyaaniga ayaa lagu go'aansadey in dib loogu noqdo codad la filayey inay xumaadeen.

Codadkaas oo tirintooda lagu hawlanaa ayaa markii hore lagu sheegey inay gaarayaan 82000 oo cod taasi oo haddii dib loo tiriyo uu rajo weyn qabey Ra'iisal wasaare  Berlusconi inuu wax ka helo.

 

Ka dib markii loo fiirsadey waraaqaha  Codadka ee qaldamey ayey tiradoodu gaareysaa 2566  cod oo kaliya taasina waxey guusha raacinaysaa Romano Prodi  oo isagu horey u sheegey in guushs uu gaarey ay tahay mid la hubo. Waxaana uu sheegey inuu dhamaadey wakhtigii Berlusconi.

Romano Parodi oo ah nin sumcad weyn ku leh Midowga Yurub isagoo horena u ahaa guddoomiyaha Reer Yurub ayaa laga filayaa inuu  hagaajiyo xiriirka Talyaaniga iyo midowga Yurub, halka uu Berlusconi uu xiriir dhow la laha Mareykanka.

 

RSTV NEWSROOM
MINNESOTA


© RSTV 2006. All Rights Reserved