|
Kooxo burcad ah oo doon ganacsi
ku afduubtay xeebaha Muqdisho.
Koox bad jiif Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in xalay fiidkii ay
duleedka dekeda Ceelmacaan ee magaalada Muqdisho ay ka afduubteen dooni
raashiin siday oo u kireysnayd ganacsato Soomaali ah . Doonidan la afduubtay
oo siday bariis aad u fara badan ayaa waxa ay kasoo shiraacatay wadanka
Indiya oo laga lahaa waxaana ay kusoo jeeday dekeda Ceelmacaan ee duleedka
magaalada Muqdisho.
Kooxahan burcad badeeda ah ayaa doonida ula dhaqaaqay jiho aan la
garanaynin laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in doonida loola dhaqaaqay
degmada Xarardheere oo ah halka ay ay kasoo shidaal qaataan burcadda.
Ganacsadaha doonidan soo kireystay oo lagu magacaabo Cabdi Dheere ayaa
sheegay inuusan garanayn waxyaabaha ku riixay bad jiiftan in ay qafaashaan
dooni shacabka Soomaaliyeed u sida raashin maadaama horey ay u sheegi jireen
in ay beegsanayaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysanaya
xeebaha Soomaaliya.
Ganacsade Cabdi Dheere ayaa ugu baaqay dablayda qafaalatay doontan in ay
sii daayaan ayagoo eegaya danta shacabka Soomaaliyeed isagoo dhinaca kalena
ugu baaqay wax garadka Soomaalida in u istaagaan sidii doonidaasi loo sii
deyn lahaa. Si kastaba ha ahaatee afduubka doonidan ayaa cabsi ku beeraya
maraakiibta ganacsi ee agabka iyo raashinka keena dekeda Ceelmacaan ee
magaalada Muqdisho waxaana tani ay ugu danbeyn keeneysa sare u kac ku
yimaada maciishada.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
© RSTV 2006. All Rights Reserved |