Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere iyo dowlada kmg ah oo heshiis buuxa kala saxiixday ayadoo Maxamed Dheere uu sheegay in dowlada ay dib ugu soo laaban karto Jowhar.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere oo maanta kulan la qaatay maamulkiisa ka taliya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in isaga iyo ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geeedi oo ay kulan ku yeesheen magaalada Adis Ababa ay ku heshiiyeen in dowladda ay dib ugu soo laabato magaalada Jowhar.

Kulankii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa loo diiday saxaafada in ay goob joog ka ahaato kulankaas, ayadoo Max'ed Dheere qudhiisana uu diiday in uu warar siiyo saxaafada

Gudoomiyaha ayaa intii uu Maanta xubnaha Maamulkiisa lahadlayey waxaa ka muuqday inuu ka xun yahay sidii ay isaga iyo Raisalwasaaraha wax udhexmareen isagoo amaanay dadaalkii ay dawlada Ethopia ka muujisay arintaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa dadaal walaalnimo oo muhiim ahaa.

Sida RSTV ay kasoo xigatay Xubno ka tirsan Maamulka Maxamed Dheere ee dhageysanayey hadalka Gudoomiyaha ayaa waxay sheegeen inuu Gudoomiyuhu soo hadalqaaday dagaalkii Muqdisho ka dhacay oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu shirqoolayey Maamulkiisa iyo Kan isbaheysiga Soo Celinta Nabada iyo Ladagaalanka Argigixisada.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe oo shalay galabnimadii shalay kusoo laabtay Magaalada Jowhar isagoo kasoo laabtay Magaalada Adisababa ee Dalka Ethopia oo uu kulamo kulasoo yeeshay Madax ka tirsan Dawlada Ethopia iyo Raisalwasaare Geedi.

 

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved