|
Dagaal maanta ka dhacay
Xamarweyne iyo wax garadka deegaankaasi oo codsaday in dagaalada la joojiyo.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay maleeshiyooyin deegaanka ah iyo kuwo kale oo
taabacsan Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal) oo xubin ka ah isbaheysiga la
dagaalanka argagixisada ayaa la isku adeegsanayaa hubka fudud noocyadiisa
kale duwan.
Israsaaseyntaan oo ka socota agagaarka Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako
ayaa salka ku heyso sida la sheegay muran ka yimid Fariisin halkaasi ay ka
sameysteen Maleeshiyooyin daacad u ah Cabdi Nuurre Siyaad Cabdi Waal, iyo
kuwo deegaanka oo aan ogoleyn Fariisin in halkaasi ay ka sameystaan
Isbaheysiga la baxay la dagaalanka argagixisada.
Ilaa iyo hadda Dhaawaca ayaa gaaraya hal qof oo ay xabaddu ka haleeshay
madaxa kaasi oo loola cararay Mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho
kuyaalla.
Majirto ilaa iyo iminka cid ka hadashay dagaalada Xamar weyne kasoo
cusboonaaday in kastoo abaabulka dagaal uu weli kor u sii socda oo iminka la
keensaday hubka noocyadiisa ugu waaweyn.
Dhinaca kale gddoomiyaha degmada Xamarweyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub)ayaa
ku eedeeyay Cabdi Waal in uu weerar ku soo qaaday degmada, xilli waxgaradka
iyo odayaasha degmada ay ku hawlanaayeen sidii waan waan iyo is afgarad
loogu dhameyn lahaa xiisadaha ka dhex aloosan maleeshiyaadka isbahaysiga iyo
dhalinyaro xaafadeedka madinaga ah ee degmada.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ay ergo u direen maleeshiyaadka Cabdi
Waal, balse ay ku gacan seyreen baaq nabadeed oo ay u jeediyeen oo ah in ay
joojiyaan dagaalka, isla markaana wadahadal lagu dhameeyo khilaafka soo kala
dhex galay ayaga iyo dadka ku dhaqan degmada.
"Cabdi Waal ayaa masuul ka ah dagaalada ka socda degmada Xamarweyne, waxa
ayna rasaaseeyeen ergo nabadeed oo loo diray si ay xal uga gaaraan
xasaradaha ka taagan degmada" ayuu yiri Gardhuub oo intaa ku daray in
dhankooda ay ka difaacanayaan deegaankooda maleeshiyaadka isbahaysiga oo
xasilooni darro ka abuuraya degmada Xamarweyne.
Waxgaradka ku dhaqan degmada oo ayagana qoraal cabasho ah kasoo saaray
dagaalka saakay ka bilowday degmada ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay
joojiyaan dagaalada ka socda degmada, ayagoo ku eedeeyay maleeshiyaadka
isbahaysiga in ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan degmada, waxa ayna
waxgaradkaasi caddeeyeen in ay ka go'antahay difaaca degmada.
Dagaalkii maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa
lagaga adkaaday Maleeshaiyaadkii taabacsanaa Cabdi Waal oo laga saaray
gurigii ay soo dageen, ayadoo maleeshiyaadkiisana ay dabada la galeen kuwa
Bashiir Raage oo ku sugan agagaarka Masjidka Arbaco Rukun.
Dagaalkaasi ayaa xoogeystay markii maleeshiyaadka isbahaysiga Bashiir
Raage ay soo galeen, waxa ayna ciidamada madaniga ee degmada Xamarweyne ay
muujiyeen karti dheeraad ah, ayagoo si weyn isaga caabiyay kuwa isbahasyiga
oo isu soo baheestay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degmada Xamarweyne.
Inkastoo aan laga war qabin tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay dagaalkii
maanta, balse warbixino laga soo uruuriyay jiida hore ee dagaalka iyo
xarumaha caafimaadka ee Muqdisho ayaa tilmaamaya in tirada dhimashada ay
gaarayso 6 ruux iyo dhaawac soo gaaray 3 qof oo kale, ayadoo inta badan
dadka wax ku noqday dagaalkaasi ay ahaayeen dad rayid ah.
Dagaalkan oo saakay ka bilowday degmada Xamar Weyne ayaa gabi ahaanba
hakad geliyay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray suuqa Xamarweyne, ayadoo
dagaalkaasi uu sababay barakac soo wajahay dadka rayidka ah ee ku dhaqan
degmada.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |