|
Dadka reer Muqdisho oo walwal ka
muujiyey dayuurad jabaq badan oo habeenka sadqii dhexe dul heehaabta hawada
magaalada.
Diyaarad aan la aqoon cid iska leh ayaa habeenkii 2aad dul heehaabaysa
magaalada Muqdisho, taasoo khal khal weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan
magaalada oo cabsi weyn ka muujiyeen ujeedada diyaaradaasi.
Diyaaradan ayaa xiliga danbe ee habeenkii waxa ay gaafa wareegtaa
magaalada, lama garanayo halka ay kasoo duusha iyo cidda iska leh, balse
waxa ay dadku hadal hayaan in diyaaradaasi ay leeyihiin ciidamada Mareykanka
ee jooga xeebaha Soomaaliya, isla markaanaay kasoo duusho markab kuwada
diyaaradaha xanbaara ah oo ku sugan biyaha Soomaaliya.
Guuxa diyaaradaasi ayaa ah mid aad u qeylo dheer, maadama diyaaradaasi
jawi aad u hooseeya ay ku socoto, waxa ayna diyaaradaasi dhaq dhaqaaqyadeeda
bilowdaa saqda dhexe, waxa ayna joojisaa salaada subaxa xiliga Muqdisho.
Cali xasan oo ka mid ah dadwaynaha ku dhaqan magaaladfa muqdisho ayaa
shabakada RSTVonline u sheegay in duyuuradaan ay wal wal wayn ku abuurtay
isla markaana ay habeenkii saqdii dhaxe la maqlayo guuxeeda oo ah meel aad u
dhaw isagoona intaasi ku daray in guuxaani ay xabsi hor leh ku sii abuurayso
dadwaynaha ku dhaqan magaalada muqdisho oo awalba la yaabanaa wax yaabaha ka
dhacaya magaalada ee ku aadan dagaalada iyo hanjabaadaha ka soo kala yeeraya
mas;uuliyiinta ku bahoobay isbahaysiga la magac baxay soo celinta nabada iyo
la dagaalanka argagixisada iyo midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada
muqdisho
Waa markii ugu horreysay oo lagu arko diyaarado dul heehaabayo magaalada
Muqdisho, tan iyo markii ciidamadii kasocday qaramada midoobay ay ka baxeen
dalka Soomaaliya sanadii 1993kii oo xiligaasi ay dagaalo ku dhex mareen
iyaga iyo maleeshiyooyin dsaacad u ah allaha u naxariistee jan. maxamed
Faarax caydiid.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |