3 ruux ayaa geeriyootay labo kalena waa ay dhaawacmeen ka gadaal markii
kooxo dablay ah oo aan heybtooda la garan ay rasaas oodda uga qaadeen gaari
yar oo marayey wadada labaad ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Kooxahan rasaasta furey oo wattay gaari Marka II ayaa rasaas ooda uga
qaaday dhalinyaro kale oo hubeysnayd oo wadatay gaari Corolla ah oo ku
sugnaa iridka hore ee xawilaada Dahabshiil ee magaalada Muqdisho.
Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee maleeshiyaadkan hubeysani ay rasaasta
ugu fureen gaarigan ay wateen kooxaha dhalinyarada laakiin warar soo baxaya
ayaa sheegaya in dhacdadan ay salka ku heyso aano qabiil inkastoo warar
kalena ay sheegayaan in raga rasaasta lagu furey ay xiriir la lahaayeen
isbahaysiga la baxay la dagaalanka argagixisada.
Weerarda qorsheysan ayaa ah kuwo maalmihii lasoo dhaafay oo dhan kusoo
badanayey maaalada Muqdisho xeebeheeda kala duwan .
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.