Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ciidamada Maariiniska Mareykanka ee xeebaha Soomaaliya ku sugan oo gacanta ku dhigay dooni kalluumeysato Soomaali ah ay wateen.

Dooni kalluumaysi oo ay saarnaayeen 6 kalluumaysato Soomaali ah ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Ameerikanka ee ilaalada ka ahaya xeebaha Soomaaliya .

Ciise Janaqow oo ah gudoomiyaha gudiga doonleyda gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in doonida ay qabsadeen ciidamada Maariiniska Mareykanka ee jooga biyaha Soomaaliya, isagoo xusay in doonidaasi iyo shaqaalihii la socday ay bad qabaan, isla markaana lagu hayo meel xeebta Meged ee gobolka shabeellaha dhexe u jirta 15 meyl.

Ciise Janaqow ayaa sheegay in ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Baxreyn, isla markaana ay ku wargeliyeen in lagu hayo doonidiisa iyo shaqaalihii la socday oo ugu war danbeysay, ayagoo jilaabasho ugu maqan xeebta Marka.

Ninkan oo ah guddoomiyaha guddiga doonleyda magaalada Marka ma uusan caddeynin sababaha ciidamada Mareykanka ay u qabsadeen doonidiisa, balse waxa uu xusay in saraakiisha Mareykanka ay u sheegeen in doonidaasi ay qabteen xilli ciladi ay soo wajahday matoorkii doontaasi.

“ma garanayo sababaha ay u qabsadeen doontayda, balse waxa ay sheegeen in ay joogaan meel ku beegan xeebta Magad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxa ayna igu war geliyeen in aan soo doonto doonida iyo shaqaalihii la socday” ayuu yiri Milkiilaha doontiisa oo hadalkiisa laga dheehan karo farxad uu u qabay in doonidiisa iyo shaqaalihii la socday la helo.

Dooni kaluumaysi oo ah noocyada lagu farsameeyo dalka hooyo numberkeedana lagu sheegay 172 ayaa in muddo ah laga la’aa, ayadoo doonidaasi ay la socdeen shaqaalo tiradoodu gaaraysay 7 qof, waxaana iminka doonidaasi iyo shaqaalaheedaba la faliyaa dhawaan in lasoo daayo si ay ugu soo noqdaan reerkooda.

Ehelada raggii la socday doonidaasi laga quustay ayaa si weyn ugu farxay nolosha wiilashooda oo la sheegay in ay ku jiraan gacanta Mareykanka, ayagoo codsaday in si deg deg ah lagu soo daayo si wiilashooda oo ay ku tiranayeen in liqday badda mar kale ay u arkaan.

 

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved