Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Waxaa socda qorshe ah sidii ciidan gaaraya 500 Askari oo nabad gelyada ah logu sameyn lahaa Bayddhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa la qorsheynayaa in dhawaan loo sameeyo ciidamo boolis oo qeyb ka qaatta sugida amaanka magaalada Baydhabo iyo deegaanada ka hareereysan oo haatan saldhig u ah golaha baarlamaanlka dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 500 oo askari ayaa lagu wadaa in ay noqdaan booliska suga amniga magaalada Baydhabo waxaana ciidamadan tababar lagu soo siin doonaa xerada Manaas ee duleedka magaalada Baydhabo ayadoo qeyb ka mid ah askartan tababar lagu siin doono xerada Deynuunay.

Askartan noqoneysa booliska magaalada Baydhabo ayaa waxa alagu soo xuli doonaa qaab beeleed ayadoo saamiga ugu ballaaranna ay qaadanayaan beelaha Digil iyo Mirifle oo ayagu ah dadka dega gobolada Bay iyo Bakool oo saldhig u ah golaha baarlamaanka.

350 askari ayaa la sheegayaa in laga soo ururinayo gobolada Bay iyo Bakool halka 150 ka soo harayna la sheegayo in ay noqonayaan kuwa beelaha kale ee Soomaalida laga soo ururinayo.

Si kastaba ha ahaatee qorshaha haatan la wado ee ciidamada booliska loogu samaynayo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka hor yimid wasiiro dhowr ah oo dawlada KMG ah ka tirsan waxaana wasiiradaasi ka mid ah wasiirka hantida qaranka iyo qalabaynta Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay in qorshaha haatan ay wadaan xubnaha reer Baydhabo uu yahay mid u yaalla dowlada kmg ah ee Soomaaliya oo aanu ahayn mid shaqo ay ku leeyihiin dadka gobolka.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU


© RSTV 2006. All Rights Reserved