Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ciidamada badda ee Yaman oo dilay burcad badeed Soomaali ah isla markaana gacanta kudhigay 12 kale.

Ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Yaman war ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in ay faashiliyeen illaa afar weerar oo ay soo qaadeen kooxo burcad badeed ah oo doonayey in ay qafaashaan maraakiib iyo doomo adeegsanaysay biyo goboleedka wadankaasi.

Weeraradani ay soo qaadeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ujeedkoodu ahaa in lagu qafaalo doomo kalluumeysi iyo 3 markab 2 ka mid ah ay yihiin kuwa dalxiiska iyo mid ganacsi oo lagu kala magacaabo Momdi,Taringo iyo Jendlin lagana lahaa wadanka Mareykanka.

Iska hor imaadyo iyo rasaas isdhaafsi culus ayaa la sheegayaa in ay dhex martay ciidanka ilaaliya xeebaha iyo badjiifta Soomaalida ah ee dooneysay in markaabiibtaasi iyo doomahaasi ay qafaashaan waxaana iska horimaadkaasi ku dhintay sida ay sheegeen ciidanka ilaalada xeebaha Yamn mid ka tirsan burcad badeeda ayadoo 12 kalena gacanta lagu dhigay oo haatan lagu hayto su'aalana lagu weydiinayo saldhigyo ku yaalla wadanka Yaman.

Mas'uulka kala taliya ciidamada ilaalada xeebaha Yaman ninka lagu magacaabo C/xafiid Alwaali ayaa sheegay in ciidamada iaalada xeebaha wadankaasi Yaman ay haatan ilaalo iyo kormeero joogta ah ka hayaan xeebaha wadankaasi Yaman si loo sugo amaanka maraakiibta adeegsata biyaha badda cas,gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiyaba .

C/xaafid Alwaali waxaa kaloo uu xusay in sugida amniga xeebaha wadanka Yaman ay kala kaashadaan ciidamada caalamiga ah ee loo saaray ilaalinta xeebaha gobolka geeska afrika ee Holland hormuudka ay u tahay gaar ahaan ninkan waxa uu sheegay in gacan ballaaran ay ka helaan ciidamada badda Mareykanka .

Iska hor imaadyadan ciidamada badda Yaman ay kudileen mid ka mid ah burcad badeeda isla markaana ay ku qabteen 12-ka kale ayaa ka dhacay jaziirada lagu magacaabo Cabdi Kuuri iyo deegaan 30 meyl u jira xeebaha gobolka Mahra.

Dharbaaxadan ciidamada badda wadanka ay ku dhufteen badjiifta Soomaalida ayaa ah tii labaad ee ku dhacda muddo 3 bilod gudahood ah ayadoo labo ka hor dharbaaxo xoog leh ay kaga timid ciidamada Maariiniska Mareykanka ee ku sugan xeebaha geeska Afrika ka dib iska hor imaad ay wada galeen,waxaana iska hor imaadkaasi lagu dilay mid ka mid ah burcad badeeda ayado 12 kalena ayagoo nool la qabtay haatanna lagu maxkamadeynayo maxkamad ku taalla wadanka Kenya.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV  NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved