|
Ciidamo taageersan Maxkamadaha
islaamiga Muqdisho oo fariisin ciidan ka sameystay qeybo ka mid ah degmada
kaaraan.
Ciidankan fariisin ka dhigtay dugsigii hore ee Godey, halkaasoo xarun
ciidan u ahaan jirtay Cali Mahdi Maxamed oo madaxweyne ka ahaa dawladdii kmg
ahayd ee lagu soo dhisay Jabuuti markii xukanka laga tuuray Siyaad Barre
ayaa la sheegay in ay ogalaasho ka heleen waxgaradka dadka ku dhaqan
xaafadaas oo aqbalay in bar ciidan ay ka sameystaan halkaasi oo ah goob
istaraatiiji ah marka la eego colaadaha ka dhex aloosan maxaakimta islaamiga
iyo isbahaysiga sharta iyo sheydaanka.
Ciidamo daacad u ah ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo dhawaan ka
guul gaaray dagaal ka dhacay duleedka bari ee magaalada Muqdisho, kaasoo
dhex maray maleeshiyaad daacad u ah isbahaysiga isku magacaabay argagixiso
la dirirka iyo kuwiisa oo taageero ka helaya maxaakimta islaamiga ayaa bar
ciidan oo cusub ka sameystay dugsigii hore ee Godey ee degmada Kaaraan ee
gobolka Banaadir, taasoo xiisad ka abuurtay degmadaasi oo uu ka taliyo
wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo xubin ka ah isbahaysiga.
Maleeshiyaadka wasiirka ganacsiga ayaa soo buuxiyay deegaanka, ayadoo
lagu arkayo deegaankaasi gawaarida dagaalka oo la ciir ciiraya maleeshiyaad
aad u hubeysan, ayadoo taasi laga yaabo in ay dhaliso iska hor imaadyada hor
leh oo ka dhaca deegaankaasi, kaasoo dhex mara isbahaysiga iyo ciidanka
ganacsade Xaaji Abuukar.
Dhul ballaarsigan ay sameynayaan maxaakimta islaamiga iyo
taageerayaashooda waxa ay qeyb ka tahay istaraatiijiyad lagaga hortagayo
isbahaysiga isku magacaabay argagixiso la dirirka oo ayagana ku hawlan dhul
ballaarsi la mid kan ay sameynayaan maxaakimta, ayadoo arrintan ay kusoo
beegantay xilli dagaallo shalay ay ku dhex mareen degmada Xamarweyne
maleeshiyaad daacad u ah Cabdi Waal oo xubin ka ah isbahaysiga iyo ciidanka
madaniga degmadaasi oo ku gacan seyray in Isbahaysiga uu fariisan ka
sameysto deegaankooda.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |