Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dablay heysata markabka laga leeyahay Koonfur Kuuriya oo sheegtay in maxkamad ay saareyso shaqaalaha markabkaasi saaran dhawaan.

Dableyda afduubka u haysta Markabka laga leeyahay wadanka Kuuriyada Koonfureed iyo shaqalaha saaran ee tiradoodu gaareyso 25-ka qof ayaa shaaca ka qaadey in ay dhawaan Maxkamad soo taagi doonaan dadkaasi iyagoo ku sheegay in ay si sharci daro ah ay uga kaluumaysanayeen xeebaha deegaankooda.

Max’ed Cabdi Afweyne oo sheegtay in uu afhayeen u yahay kooxda gacanta ku haysa Markabka Dongwon 628 ayaa wuxuu sheegay inay dhamaan la wareegeen wixii saarnaa oogada Markabka oo ay ka mid tahay 25 Tan oo aargoosato ah oo qiimaheeda lagu sheegay in ka badan 900 kun oo doolarka Mareykanka.

Afweyne wuxuu sheegay inay diyaariyeen Maxkamad ay saarayaan waa sida hadalka uu u dhigaye ragan kaluumaysatada ah ee shisheeye ah, isagoo sheegay in ay Maxkamadaas goob joog ka noqonayaan guddi ka kooban Kaluumaysato Soomaali ah iyo waliba Odayaal dhaqameed si ay marqaati uga noqdaan Maxkamada la saarayo dadkan lagu eedeynayo inay ku soo xadgudbeen badaha Soomaaliya.

Max'ed Cabdi Afweyne oo saxaafada la hadlayay wuxuu tibaaxay in ay iminka korortey xaalufka Maraakiibta shisheeye ku hayaan xeebaha Soomaaliya, isagoo sheegay in deegaanada ay iminka joogaan ee xeebaha Koonfurta Gobolka Mudug ay si caadi ah uga kaluumaystaan Maraakiib tiradoodu gaareyso 50, kuwaasi oo qaarkood hubaysan yihiin.

Markabka Dongwon 628 oo laga leeyahay wadanka Kuuriyada Koonfureed waxaa saaran 25 shaqaale ah oo u kala dhashey dalalka Koonfurta Kuuriya, Indoniisiya, Vietnam iyo Shiinaha.

 

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Xafiiska Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved