Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Burcad badeedii Soomaalida ahayd ee xeebaha Soomaaliya ku qafaalatay markab laga leeyahay South Korea oo dalbaday madax furasho lacageed.

Bad jiifta Soomaaliyeed ee afduubka ku haysata markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka koonfurta Korea iyo shaqaalihii la socday ayaa maanta waxa ay shaaca ka qaadeen in ay doonayaan madax furasho lacageed oo gaaraysa $400,000 oo doolar.

Wakaalada AFP oo soo xiganaysay nin u hadlay burcad badeeda Soomaaliyeed oo aysan xusin magaciisa ayaa sheegtay in uu dalbaday madax furasho lacageed oo lagu sheegay $400,000 oo doolarka Mareykanka ah, ayadoo aan faah faahin intaasi dheer ka bixin.

Dalbashada madax furashadan lacageed ayaa kusoo beegmaysa xilli maalintii shalay Masuuliyiinta dalka Koonfur Korea ee ku sugan magaalada Nairobi ay shaaciyeen xiriir in ay la sameynayaan burcad badeeda afduubatay markabkii laga lahaa dalkooda iyo shaqaaalihiii saarnaa oo tiradooda lagu qiyaasay 25 ruux sida uu sheegay Myong-Yong Om oo xoghayn ka ah safaarada koonfur Korea ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Adrew Mwangura oo ka tirsan waaxda badaha u qaabilsan dalka Kenya oo isagan kulamo la yeeshay masuuliyiin ka socota dalalka Koonfur Korea iyo Shiinaha ayaa sheegay markabkan kaluumaysi ee laga leeyahay dalka Koonfurta Korea in uu ruqsad ka haystay dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

Mwangura waxa uu intaa raaciyey in uu qorshaynayo kulan in uu la yeesho masuuliyiinta sar sare ee dowladda ee ku sugan magaalada Nairobi si uu uga la hadlo xaalada shaqaalaha iyo markabka iyo sababaha keenay in dowladda ay ku guul darreysato sugida xeebaheeda gaar ahaan sugida amaanka maraakiibta shisheye ee xeebaha Soomaaliya marta.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOADISHU


© RSTV 2006. All Rights Reserved