Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Toban dhalinyaro oo horey ciidanka Maariiniska Mareykanka ay uga qabteen xeebaha Soomaaliya oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Diyaarad ay leedahay hey’adda ICRC ayaa maanta waxa ay kasoo qaaday garoonka diyaaradaha No.50 ilaa 10 nin oo kamid ah 12 ay ciidamada Marinesjka Mareykanka gacanta ku dhigeen xilli la sheegay in ay howlgallo burcadnimo ka wadeen xeebaha dalka somaliya.

Ehelada ragaasi ayaa waxa ay kusugnaayeen garoonka diyaaradha iyagoo markii ragaasi ay soo degteen farxad balaaran muujiyay waxana ay sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweynayaan ragaasi oo ay ku tilmaameen kuwo muwaadiniin dalkooda difaacayay.

10kan nin ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin wax jirdil ah oo loo gaystay intii ay ku jireen gacanta ciidamada Mareykanka, waxa ayna xuseen in ay ku jireen xabsi ku yaalla markab ciidamada Mareykanka ay lahaayeen oo ku sugnaa badweynta India.

Waxa ayna intaa kudareen in 2 kale oo dhaawac culus uu kasoo gaaray is rasaaseyntii dhex martay ayaga iyo ciidamada Mareykanka ay ku jiraan cusbital kuyaalla magaalada Dubai ee wadanka isutaga Imaaraadka carabta.

Sarkaal ka tirsan hay’ada ICRC oo la socday diyaaradii maanta keentay maxaabiistii loo haystay in ay ahaayeen burcad badeeda ayaa sheegay in 2 kale oo ka tirsanaa ragga Mareykanka ay ka qafaasheen xeebaha Soomaaliya oo dhaawac culus uu kasoo gaaray iska hor imaadkaasi in iminka lagu daweynayo cusbtal ku yaalla magaalada Dubai ee wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Magacyadii ragii maanta laga soo dajiyay garoonka ayaa lagu sheegay

Tahllil Xaashi Cilmi

. Cali Xasan Xuseen

. Nuur Cabdi Warsame

. Xasan Weli maxamud Axmed.

. Axmed C/llaahi Sabriye.

. Cali Jaamac Guuleed

. Daahir Abshir Sabriye.

. Max’ed Maxamud kheyre.

. Cabdinuur c/laah Max’ed.

Ma jiraan wax war ah oo sii deynta ragaani ku saabsan kana soo baxay dhanka ciidamda Marines-ka Mareykanka oo iyaga hore ragaani maxkamad ugu saaray magaalada Mombaasa ee dalka Kenya.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved