Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dad ku dhintay xiisada ka dillaacay gobolka Jubada dhexe.

wararka naga soo gaaray magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka jubbada dhexe ayaa sheegaya in xiisad daran ay ka oogan tahay magaaladaas, kadib markii gellinkii danbe ee shalay maleeshiyooyin hubaysan halkaasi ay ugu dileen 3 ruux oo ka tirsan dadka deegaanka.

Dilalkan ay gaysteen maleeshiyooyinka hubaysan ayaa waxaa loo aaneeyay in uu salka ku hayo argoosi qabiil, ayadoo wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in maleeshiyooyinka ay isku heybta yihiin ragan la dilay ay ku howlan yihiin abaabul dagaal iyo hub uruursi, taasoo xiisad weyn ka dhalisay magaalada Bu’aale.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa waxa ay ku howlan yihiin qaboojinta xiisadahan ka dhashay dilka 3daas qof, ayagoo kulamo gaar gaar ah la yeelanaya odayaasha dhaqanka ee dhinaca wax dilay iyo dhinaca wax laga dilay si laysugu dayo in laga hortago dagaal ka dhex qarxa labada beel ee walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo deegaan iyo daaqsin.

Bishii February ayay ahayd markii fal dil ah oo ceynkan oo kale ah uu ka dhacay magaalada Bu’aale, taasoo ay gaysteen maleeshiyooyin ka soo jeeda beesha shalay wax laga dilay, taasoo ilaa iyo iminka aan wax xal ah laga gaarin.

Si kastaba ha ahaatee maamulka isbahaysiga dooxada jubba ayaa waxa ay wadaan waan waan lagu qaboojinayo xiisadan kasoo cusboonaaday gobolka jubbada dhexe, ayadoo laga cabsi qabo talo in ay fara kabaxdo oo dagaal beeleed oo ku dhex qarxo beelahan oo dhawaanahan ay nabadi u dhaxeysay kadib muddo ka badan 4 sanadood oo ay ku dagaalamayeen magaalada Bu’aale iyo nawaaxigeeda, taasoo saameyn daran ku yeelatay dadka reer miyiga.

Colaadan cusub ee laga soo sheegayo magaalada Bu’aale ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xilli abaaro ba’an ay ka jiraan gobolka, taasoo sara u sii qaadaysa dhibaatada haysata dadka danyarta ah ee ay halakeysay abaarta ka jirta guud ahaan koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU

 

© RSTV 2006. All Rights Reserved