|
Wax garadka iyo odayaasha
dhaqanka oo ugu baaqay Bootaan Ciise inuu isaga baxo isbahaysiga la
dagaalanka argagixisada iyo midowga.
Culumaa’uddiin, Siyaasiyiin, Waxgarad, odayaal dhaqameed ka soo jeeda
beesha Maxamud Hiraabe ama Duduble oo maalmahanba kulamo ay uga socdeen
magaalada
Muqdisho ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay u cuntami weysay in nin ku
abtirsada beeshooda uu xubin ka noqdo isbahaysigan la baxay la dagaalanka
argagixisada, taasi oo ku xanbaartay in ay isugu yimaadaan kulamo xiriir ah
oo ay kaga tashanayaan sida ay ka yeelayaan wasiirka hub ka dhisigta iyo
dhaqan celinta maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalin oo kasoo jeeda beesha,
xubinna ka ah isbahaysigaas.
Kulamadan xiriirka ah oo ay yeesheen waxgaradka waxa ay ku magacaabeen
guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood, kaasoo kasoo baaraan dega go’aanka
beesha ay ka qaadanayso qof kasto oo ku abtirsada oo ku biira isbahaysiga
dooda ka dhaliyay dalka Soomaaliya, waxa ayna sheegeen Bootaan Ciise Caalin
in aysan u dirsan in uu ku biiro isbahaysiga, balse uu u matalayay dowladda
oo ay ku sugayeen in uu wax u qabto beesha iyo shacabka Soomaaliyeed.
Waxgaradkan waxa ay sheegeen in aysan taageersanayn isbahaysigaas oo ay
ku tilmaameen mid dhinac marsan diinta islaamka, ayagoo kulamadooda ka soo
saaray go’aano ay ku muujinayaan mowqifka beesha ay ka qabto isbahaysiga iyo
dagaalada ay ka hurinayaan magaalada Muqdisho.
Sheekh C/llaahi macallin Cali oo ka mid ah culumaa’uddiinka beeshaasi
ayaa waxa uu saxaafada u akhriyay qodabada uu ka kooban yahay war
murtiyeedka beesha ay soo saartay oo u qornaa sida tan:
1) In aysan Beesha taageersanayn isbahaysiga isku magacaabay la
dagaalanka argagixisada, isla markaana aysan raalli ka noqonayn cid ku
abtirsata beesha in ay ka mid noqoto isbahaysigaas.
2) Waxey guddoonsatay beesha in ay horseedo sidii umadda Soomaaliyeed ay
ugu wada noolaan lahayn nabad iyo wax wada qabsi.
Waxaa sidoo kale kulankaasi ka hadlay Ugaaska beesha Max’ud
Hiraabe(Duduble) ugaas Muxiyadiin Ugaas Faarax iyo Suldaanka beesha Suldaan
Cabdi Qube.
Go’aanka beesha ay qaadatay waxaa soo dhaweeyay oo u riyaaqay xubno ka
tirsan dowladda oo ku sugun magaalada Baydhabo, waxaana ka mid ah Xildhibaan
AxmedDiiriye.
Inkastoo wasiirka dhaqan celinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin
uusan weli wax war ah kasoo saarin heshiiska beeshiisa ay ku gaartay in
aysan taageersanayn xubinimadiisa isbahaysiga argagixiso la dirirka, hadana
qaar kamid ah waxgaradka beeshiisa waxa ay xuseen in uusan ka biyo diidi
karin go’aanka beesha, ayagoo tilmaamay in uu ku dhaw yahay ku dhawaaqista
ka bixida isbahaysigaas.
Dhinaca kale midowga maxaakiimta islaamiga ee gobolka Banadir iyo
shacabka reer Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyey baaqaasi kasoo yeeray
odayaasha dhaqanka beesha Duduble waxaana ay ku tilmaameen mid mudan ay ku
daydaan beelaha kale si hogaamiyaasha hubeysan looga dhaadhiciyo ka
laabashada isbahaysigaasi .
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |