|
Wasiirka difaaca ee Mareykanka
ayaa booqasho kadis ah ku tagey Baqdaad. Wassirka Gaashaandhiga
ee Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa booqasho aan la sii sheegin ku
tagey waddanka Ciraaq. Mr. Rumsfeld waxaa uu wada hadal la yeelan doonaa
Madaxda Cusub ee loo magacaabey Dowladda Ciraaq ee uu ugu horreeeyo Ra'iisal
wasaaraha Dalkaasi Jawad al-Maliki. waxaa kale oo uu wadaxaajood la yeelan
doonaa Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Jooga Ciraaq Jen.George Casey iyo
saraakiisha Sare ee ciidamada isagoo waliba ka dhageysan doona horumarka
laga gaarey dalka Ciraaq iyo hawlaha dib u dhiska Dowladda cusub ee
laga dhisayo Magaalada Baqdaad. Donald Rumsfeld waxaa kale oo inta uu
joogo Ciraaq uu doonayaa inuu Xusuusiyo Dowladda Ciraaq inaan Ciidamada
Mareykanku aaneyu waligood joogi doonin Ciraaq loona baahan yahay in la sii
wado dhismaha Ciidamada Ciraaq si ay u hantaan nabad gelyada Ciraaq oo dhan.
Wasiirka gaashaandhigga ee Mareykanku waxaa uu ka amba baxey Magaalada
Washington ka dib markii uu kulan gaar ah la Qaatey Madax sare oo ka tirsan
Xisbiga Jamhuuriga ah ee talada haya. RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |