44 sarkaal oo ka mid ah 154 sarkaal oo boolis ah oo 22-kii bishan April
uu tababar ugu soo dhamaaday kuliyada tababarla ciidanka booliska ee Carmo
ee duleedka magaalada Boosaaso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay
garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo oo xarunta dowlada federaalka kmg
ah ee Soomaaliya .
Saraakiishan oo ahaa dufcadii ugu horreysay ee kasoo qalinjabisa kuliyada
Carmi isla markaana soo gaarta magaaalda Baydhabo ayaa waxaa lagu keenay
diyaarad qaas ah oo kasoo qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari
.
Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed gaashaanle sare Yuusuf Xuseen
Cusmaan oo maanta saxaafada ugu warramayay magaalada baydhabo soo dhaweynta
saraakiishaasi ka dib ayaa sheegay in saraakiishan ay yihiin dufcadii ugu
horreysay ee kasoo ambabaxda deegaanka Carmo oo ka tirsan ciidanka dawladda
fedaraalka, waxa xusay in ciidankan ay noqon doonaan ciidamada sugaya amniga
magaalada Baydhabo ka dib markii magaaladaasi laga saaray maleeshiyaadkii
hubeysnaa.
1-dii bishii December ee 2005-ta ayay ahayd markii ciidamadan tababar uga
furmay kuliyada booliska Carmo ee magaalada Boosaaso waxaana la filayaa in
dhawaan kuliyadaasi ay kasoo qalinjabiyaan labo fufcadood oo kale oo boolis
ah.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM