U Qeybsanaha hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan wadanka
Soomaaliya Ibrahim Beytul Maal oo kulan la yeeshay madaxa hay’ada bisha cas
ee dalka Sacuudiga u qaabilsan geeska Afrika ayaa sheegay in labada
hay’adood ay iska kaashadeen qalabeynta 4 cusbitaal oo ku yaalla deegaano
kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, ayagoo sidoo kale ugu deeqay
cusbitaaladaasi 4 gaari oo kuwa ambalaaska ah.
Masuuliyiinta Labada hay’adood ayaa ku heshiiyay in tawabaro loo furo
shaqaalaha caafimaadka ee ka hawl gala cusbitaalada kuyaalla Soomaaliya si
sare loogu qaado aqoonta shaqaalahaasi.
Hay'ada Bisha Cas ee Sacuudiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto
kaalmada ay u fidinayso dadka ku waxyeelloobay duufaantii Tsunami iyo waliba
kuwa kale oo ay ku dhufteen abaaraha, ayadoo ballan qaaday in ay ka hirgali
doonta Sooamaliya mashaariic wax loogu qabanayo dadkaasi.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM