Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Baydhabo oo noqotay xarunta kmg ah ee dowlada federaalka.

Kulankii golaha baarlamaanka ee ka dhacay xarunta ADC ee magaalada Baydhabo goor dhaw lagu soo gabagaboobey ayey waxay ku go'aamiyeen halka ay ku shaqeynayaan golayasha DFKMG ah ee Soomaaliya.

kalfadhigii maanta ay isugu yimadeen xubnaha baarlamaanka ku meel gaarka ah oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka ku meel gaarka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa soo xaadirey 183 xildhibaan iyadoo ka dibna la guda galay mooshin ay soo bandhigeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka oo ku aadan in cod loo qaado halka ay ku shaqeynayaan golayaasha xukuumada iyo Baarlamanka, inta magaalada Muqdisho la xasilinayo.

Ka dib Markii si rasmi ah loo shaaciyey mooshinka maanta laga doodayo ayaa Gudoomiyaha Baarlamanka shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu ku dhawaaqey habka codeynta, iyadoo ay codkooda dhiibteen 182 kuwaasi oo u codeeyey in magaalada Baydhabo ay noqoto halka sida rasmiga loogu sii shaqeynayo inta laga tagayo Magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaankii 183-aad uu ka aamusey diidmo iyo ogolaansho mooshinkii maanta la soo bandhigey. Xildhibaan Mowliid Macaani ayaa isaga ahaa Xildhibaan kaliya ee u codeeyay in dowlada ku meel gaarka ah ay ku shaqayso magaalada Jowhar.

Gaba gabadii kulankii maanta ee ay isugu yimaadeen xubnaha baarlaamanka ku meel gaarka ah ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ku dhawaaqey in 182 xildhibaan ay codkooda ku dhiibteen in magaalada Baydhabo lagu shaqeeyo, sidaasina ay ku ansaxdey codeyntii maanta.

Waaxa ansixinta go'aankaasi al isku raacay kadib dood dheer oo dhexmartay xubnaha baarlamanka dowladda ee ku sugan magaalad baydhabo,waxaana arrintaani ay kusooo beegmeysaa xilli magalada Muqdisho laga baqdin qabo in dagaallo hor leh ay ka curtaan.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved