|
Barre Hiiraale iyo saraakiil sar
sare oo maamulkiisa ka tisran oo ka badbaaday isku day dil.
Wasiirka dib u dhiska ee Dawlada Soomaaliya Col. Bare Aadan
Shire(Hiiraale) oo ay la joogeen Col.Cabdi Cigaal Jaamac iyo Saraakiil kale
ayaa xalay ka badbaaday isku day dil kadib markii lagu rasaaseeyey Goob ay
kuwada sugnaayeen oo ku taala Magaalada kismaayo halkaasoo uu ku dhaawacmay
hal nin oo ilaalada wasiirka ka mid ahaa.
Rasaastan ayaa waxaa soo furay maleyshiyooyin ku heyb ah Col.Cabdi Cigaal
oo loo maleynayo iney gadoodsanaayeen,waxaa rasaastaasi ku dhaawacmay
midkamid ilaalada Wasiirka oo isla xalay la dhigay cusbitaalka Magaaladaasi.
Goobta lagu rasaaseeyey wasiirka iyo Xubnaha la joogay ayaa aheyd
dhismaha Xarunta idaacada Hornafric qeybteeda Kismaayo oo ay xiligaasi ku
shirayeen,ninka ilaalada ahaa ee ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la dhigay
cusbitaalka guud ee Kismaayo iyadoo Maleyshiyadii weerarka soo qaaday ay ku
laabteen Xeradii ay kasoo duuleen oo aheyd Xaafada Guulwade ee Bartamaha
magaalada.
Majiro wax war ah oo kusaabsan weerarkaasi oo kasoo baxay wasiirka iyo
Saraakiisha kale ee lala weeraray inkastoo Saxafiyiin badani ay saakay
raadinayeen mas,uuliyiinta isbaheysiga si ay uga hadlaan waxa dhaliyey in la
weeraro goob uu ku sugnaa wasiirka.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |