|
Barlamaanka Talyaaniga ayaa ku
fashilmey inay doortaan Af-hayeen. Sida ay ku waramayaan
warbaahinta Talyaanigu waxaa goor dhaweyd lagu fashilmey in la doorto
Af-hayeen cusub oo uu yeesho Barlamaanka Talyaanigu Markii ugu horreysey ee
ay kulmaan intii ka dambeysey doorashooyinkii dhacey Toddobaadyo ka hor.
Jagada Af-hayeenimada oo ay ku tartamayeen laba Musharrax oo lagu kala
magacaabo Franco Marini iyo Giulio Andreotti ayaa waxay noqotey inaan
midkoodna ku guuleysanin codkii loo baahnaa, ka dib markii Franco Marini oo
isagu ahaa ninka hoggaaminayey coodadka badan uu heley 161 waxaana ka
dhimanaaa inuu ku guuleysto doorashadaas hal cod oo kaliya. Musharraxa
kale ee lagu magacaabo Giulio Andreotti waxaa uu heley 155 cod kaliya
waxaana la filayaa in doorashadaasi la wadi doono ilaa iyo inta laga heli
doono qofka hela 162 cod ama ka badan. Romano Prodi oo isagu ah
ra'iisal wasaaraha cusub ee Talyaaniga ayey arrinta dib u dhaca doorashadani
ku tahay dhibaato iyadoo baryahanna muran uu ka jirey doorashooyinkii guud
ee dalkaasi ka dhacey horraantii Bishan. Fallis
Abdikariin
Oslo,Norway
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |