Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Isu soo bax lagu taageerayey in dowlada ay xarun ka dhigato magaalada Baydhabo oo maanta magaaladaasi ka dhacay.

Dibad bax ballaaran oo lagu muujinayey taageerada dadka reer Baydhabo ay u hayaan go’aankii 22-kii bishan April kasoo baxay golaha baarlamaanka kaasi oo lagu ansixiyey in Baydhabo ay noqoto xarunta ku meel gaarka ah ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi.

Dibad baxan lagu taageerayey go’aanka golaha baarlamaanka oo ay soo abaabuleen ururada u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo waxaana maanta gabi ahaanba irdaha loo laabay xarumihii ganacsiga si loo muujiya sida dadka reer Baydhabo ay ugu faraxsanyihiin in magaalada Baydhabo ay noqoto xarunta dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

Culumaa’udiin iyo mas’uuliyiin aad u fara badan ayaa ka hadashay dibad bixii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo waxaana inta badan dadkii isu soo baxan ka hadlay ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in magaaladooda ay noqoto xarunta dowlada ayagoo ugoo ugu baaqay mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle in ay wax badan ka qabtaan amni darida maalmihii ugu danbeysay kusoo kordheysay magaalada Baydhabo.

Dibadbixii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ahaa mid ay kasoo qeybgaleen dad kor u dhaafaya boqolaal ayaa waxaan kasoo qeyb galin mas’uuliyiinta dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved