Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Geedi iyo Shariifka oo maanta ka qeyb galay dibad bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ra’iisal wasaaraha dawladda Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta hadalo ka jeediyay isu soo bax ballaaran oo nabadeed oo ka dhacay garoonka Ayuub Istadium ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah oo reer Baydhabo ah.

Afhayeenka baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isu soo baxaas ka hadlay ayaa sheegay in beesha caalamka ay u heellan tahay wax ka qabashada magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta dawladda, waxa uu xusay in beesha caalamka ay diyaar u yihiin in ay maal gelin ku sameeyaan magaalada, ayagoo wax ka qaban doona adeegyada guud ee magaalada sida dayctirka cusbitaalka iyo dib u dhiska waddooyinka bur bursan.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dadka reer Baydhabo in ay doorka muuqda ka ciyaaraan sidii maleeshiyiyoonka looga saari lahaa magaalada, si ammaanka iyo kala danbeynta loogu soo celiyo magaalada, waxa uuna xusay hubka lagu wadan doono magaalada gudaheeda in uu noqon doono mid sharciyeesan oo ruqsad loo haysto. Mar uu ka hadlayay guddoomiyaha baarlamanka maamul u sameynta magaalada waxa uu sheegay in uu noqonayo mid ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee Digil iyo Mirifle, isagoo ku booriyay in ay u istaageen sidii tusaale iyo ku dayasho ugu noqon lahaayeen reer Baydhabo goballada kale ee dalka.

Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isagana hadal u jeediyay dadkii isugu soo uruuray garoonka Ayuub Istadium ayaa sheegay in aysan jirin wax la qaban karo ammaan la’aan, isagoo ku guubaabiyay reer Baydhabo in ay u guntadaan sidii magaalada ay uga dhihi lahaayeen mid u qalanta dawladda in ay ku shaqayso. Waxaa sidoo kale ka hadlay banaan bixii maanta masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifel iyo kuwa ka tirsan dawladda Soomaaliya, ayadoo dhamaantood ay hoota ka xariiqeen sida ay la mahuraan u tahay nidaamka iyo kala danbeynta in lagu soo celiyo magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isu baxaasi nabadeed kasoo qeyb galin ayadoo aan la ogeyn waxyaabaha madaxweynaha ka reebay kasoo qeyb galka isu soo baxaasi.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved