|
Dibad bax ballaaran oo looga
cabanayey amni darida gobolka Hiiraan oo maanta ka dhacay Baladweyn.
Isu soo bax ballaaran oo ay soo agaasimeen ururada bulshada rayidka ah ee
ku dhaqan magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, ayna kasoo qeyb
galeen maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo dadweynaha ku dhaqan
magaalada Baydhabo ayaa maanta ka dhacday fagaaraha weyn ee Dalxiiska ee ku
yaalla bartamaha magaalada Baladweyn.
Banaan baxan ayaa looga cabanayay falalka ammaan darrada ah ee kasoo
cusboonaaday magaalada Baladweyn, kagadaal markii magaaladaasi lagu dilay 2
maalmood ka hor nin musaafir ah, taasoo si weyn ay uga caroodeen dadka ku
dhaqan magaalada Baladweyn. Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas
Khaliif oo ka hadlay banaan baxan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii
loo gaystay ninka musaafirka ahaa halkii laga soo dhaweyn lahaa oo la marti
soori lahaa, waxa uuna Ugaaska ku warramay in kooxihii dilkaasi ka danbeeyay
ay meel uga dhaceen sumcada dadka ku dhaqan magaalada.
Ugaaska waxa uu codsaday in baaritaano lagu sameeyo kooxda burcada ah ee
toogtay musaafirka, isla markaana cadaalada la marsiiyo, isagoo ugu baaqay
maamulka gobolka in ay wax ka qabtaan ammaan darrada baahsan kusoo kordhaysa
gobolka. Guddoomiye ku xigeenka magaalada Baladweyn Xuseen Cumar Gacamey oo
isagana hadal ka jeediyay banaan baxaas ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu
tallaabo ka qaadi doona kooxaha caadaystay waxyeelleenta shacabka, isagoo
muujiyay sida uu uga xumaaday dilka ninka musaafirka.
Mr Gacamey waxa uu ku booriyay shacabka reer Baladweyn in ay la
shaqeeyaan maamulka si laysaga qabto fitna wadayaasha dhibaateynaya dadka
rayidka ah iyo musaafiriinta. Dibad baxan maanta ka dhacay magaalada
Baladweyn isla markaana nabadgelyada derida looga cabanayey ayaa ah kii ugu
horeeyey ee magaaladaasi ka dhaca tan iyo markii halkaasi ay dowlada kmg ah
maamul ugu samaysay.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |