|
Maleeshiyaad ilaalo u noqoneysa
madaxda sar sare ee dowlada oo maanta tababar ciidan loogu qaaday dalka
Kenya.
Maleeshiyaadka loo tababarayo in ay noqdaan ilaalada madaxda ugu sarreysa
dowladda kmg ah ee Soomaaliya oo maanta loo qaaday dalka Kenya ayaa gaaray
magaalada Nairobi, ayadoo maleeshiyaadkan oo ku raagay garoonka diyaaradaha
magaalada Baydhabo ay barqanimadii maanta ka duuleen halkaasi.
Maleeshiyooyinkan gaaray magaalada Nairobi oo tiradooda lagu qiyaasay 110
askari oo uu horkacayay taliyaha booliska Soomaaliyeed Jenaraal Cali Maxamed
Xasan Cali Madoobe ayaa waxa ay u baqooli doonaan maalmaha soo socda
Magaalada Mombasa, halkaasi oo tababar looga furi doono.
Maleeshiyaadkan maanta la qaaday ayaa waxa ay ka mid yihiin 200 askari oo
loogu tala galay in tababaro dhinaca ciidanka ah kusoo qaataan dibada dalka
waxaana la filayaa in qeybaha harsan maalinta bari ah ay dhoofaan.
Qarashka ku baxaya maleeshiyaadkan tababarka loo qaaday waxaa bixin doona
dalalka deeqaha bixiya oo horay u ballan qaaday in ka kaalmaynayaan dowladda
fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya tababarka maleeshiyaadka.
Maleeshiyaadkan ayaa waxaa muddo 3 bilood ah ay tababaro kusoo qaadan
doonaan xarunta labaad ee wadanka Kenya ee Mombasa ee dhacda xeebta , ayadoo
ciidamadanna ay noqonayaan ciidanka 2-aad oo ay dowladdu u dirsato dalka
dibadiisa si tababaro ay ugu soo qaataan, ayadoo dowladda ay horay ugu
dirtay ciidamo boolis ah dalka Uganda, halkaasi oo tababarro lagu soo siiyay
ciidamo boolis Soomaali ah oo gaarayey 65 askari oo u badnaa saraakiishii
hore ee booliska Soomaalida.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |