Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Af-hayeenka isbahaysiga soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagixisada oo ka hadlay kulan magaalada jowhar ku dhex maray saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan iyo mas'uuliyiinta isbahaysigan.

Shir jaraa'd uu maanta duhurkii ku qabtay afhayeenka Isbaheysiga Soo Celinta nabadda iyo La dagaallanka Aragagixisada xuseen guutaale Raage degamada deyniile ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalkii ka dhacay degmada Xamar weyne,Hadalkii ka soo yeeray Hogaamiyaha Alqaacidda Sheekh Osama Bin Ladin,iyo kulan ka dhacay magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe kaasi oo dhex maray saraakiil Mareykan ah iyo xubnaha isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Xuseen Guutaale Raage waxaa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan dadaallo ay Maxkamadaha magaalada Muqdisho ku doonayaan in ay dagaallo kale ka bilaabaan gudaha magaalada Muqdisho isagoo sheegay in taasi ay muujineyso fariisimaha ciidan ee cusub oo ay ciidamada Maxaakiimta ka sameysteen meelo aan dhib ka jirin oo ku yaalla qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xuseen guutaale waxa uu ku eedeeyay dhinaca Maxkamadaha in ay doonayaan in ay xirtaan waddooyin cusub isla markaana carqaldeyaan isu socodka dadka ku dhaqan magalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu sheegay in taasi ay ka danbeyso abaabul dagaal cusub oo ay doonayaan in ay kusoo qaadaan dhinacooda.

Afhayeenka Isbaheysiga Guutaale waxaa uu sheegay in fariisinta ay ciidamo taabacsan midowga Maxkamadaha ka sameysteen deegaanka godey ay tahay abaabul dagal oo hor leh isagoo hoosta ka xariiqay in meeshaasi ay tahay meel aan dhib ka jirin.

Afhayeenka mar uu ka hadalye kulanka ka dhacay magaalada jowhar ee dhexmaray Sirdonka Mareykanka iyo masuuliyiin sar sare oo Isbaheysiga ku jirta ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu yahay mid iska caadi ah isla markaana looga hadlayo arrimo ku saabsan howlaha Isbaheysiga.

Waxaa Guutaale u sheegay in aysan jirin dad shisheeye ah oo kulanka Jowhar ka dhacay ka qeybqaatay balse waxaa uu sheegay in halkaasi ay u tageen xubnaha isbahaysiga ka dib martiqaad uu u fidiyay guddoomiyaha maamulka siyaasadda gobolka S/.Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb oo isagu xubin ka ah Isbaheysiga.

Mar uu ka hadalye afhayeenku hadalkii ka soo yeeray Hogaamiyaha shabakadda alqaacidda Osama Bin Ladin ayuu sheegay in uu ka tarjumayo sida ay isgu xiranyihiin Aragagixisada meel kasta o ay joogaan isla markaana gudaha dalka Somaliya ay ku suganyihiin dad shisheeye ah oo danbiyo kasoo galay dalalkooda sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenku waxaa shirkiisa jaraa'id uu sidoo kale kaga waramay dagalkii ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka xamar weyne iyo shnagaane kaasi oo uu sheegay in uu u dhexeeyay mid akmid ah xubnaha Isbaheysiga iyo ciidamo xaafadeed isagoo ku gaabsaday in isku dhacooda uu ka danbeyay kadib markii ciidamaad xaafaddaasi ay uga shakiyeen ciidamada halkaasi degay in ay ahayeen kuwo uu ku tilmaamay kuwo afafka duubta.

''Qof alla oo nabadda ka shaqeyneysa annaga waan soo dhaweyneynaa oo diidan kooxaha Aragagixisada ah ee dadka ku tilamaama Sheydaanimo iyo gaalnimo'' ayuu yir Guutaale oo intaasi ku daray in diinta Islaamka looga baxo arrimo la ogyahay sida in uu qofku qirto in uu diinta Islaamka ka baxay ama la arko isagoo sanamo u sujuudaya.

Ugu danbeyn waxaa Guutaale oo ka dhawaajiyay in Isbaheysiga goor dhow ay kusoo biirayaan xubno cusub oo uu ka gaabsaday in magacyadoda uu shaaciyo balse waxaa uu sheegay in xubnahaasi ay yihiin kuwo muhim ah.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved