Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Af-hayeenkii Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa iska casiley shaqadii.

afhayeenkii Aqalka cad ee waddanka Mareykanka Scott McClellan ayaa iska casiley hawshii uu ka hayey Guriga cad ee looga taliyo Mareykanaka.

Scott waxaa uu ahaa nink u hadla Madaxweynaha waxaana ninka u  xilsaaran  wax kasta loo la doonayo inuu madaxweynuhu ka warbixiyo, Scott wuxuu ahaa nink u taagan inuu warbaahinta u gudbiyo isagoo mar walba diyaar u ahaa inuu u babac dhigo wariyeyaasha buuxdhaafiya qolka weyn ee loo yaqaanno West wing.

Mr. McClellan waxaa uu shaqadan hayey ilaa iyo bartamihii sanadkii 2003 dii. waxaana uu lasoo shaqeeyey Madaxweyne Bush wakhtiyadii uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Texas iyo intii uu doorashada ku jireyba.

McClellanwaxaa lagu xusuustaa inuu ahaa qofkii ugu badnaa ee warbaahinta hor istaaga isagoo la dhihi karo maalin walba waxaa uu la hadli jirey Warbaahinta isagoo waliba mararka qaar ay su'aalo isdaba joog ah ku haffin jireen.

Markii uu jeedinayey hadalkiisii ugu dambeeyey isagoo dhinac taagan Madaxweyne Bush waxaa uu yiri waxaa isoo marey Maalmo wanaagsan oo aan kasoo shaqeeyey Aqalka Cad waanan ku faraxsanhay inaan la shaqeeyo Madaxweyne Bush waanan sii wadi doonaa inta laga helaayo qofkii i baddali lahaa ilaa sadddex Todobaad.

Madaxweyne Bush ayaa isaguna u mahad celiyey Xoghaye scott isagoo ku tilmaamey nin wanaagsan,waxaana uu sheegey in ay adagtahay sidii loo heli lahaa qof isagoo kale ah.

Iscasilaaddan lama dhihi karo waxey salka ku haysaa arrimo siyaasadeed waxaana lagu tilmaamey inay tahaymid shaqsiyan uu gaarey xoghayaha warfafinta laf ahaantiisu.

 

RSTV NEWSROOM
MINNESOTA                              


© RSTV 2006. All Rights Reserved