Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wufuud caalami ah oo soo gaaray Baydhabo isla markaana ka qeybgalay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu furayey mashruuc maamulo loogu samaynayo gobolada dalka.

Wafdi kasocday beesha caalamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen xubnaha labada gole ee dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

Wafdigan oo ka socday QM, midowga Yurub, hay’ado caalami ah iyo saxafiyiin kasocday wakaaladaha wararka ee caalamiga ayaa durbadiiiba usoo gudbay xarunta ADC halkaasi oo ay ka dhacaysay munaasabad aad u ballaaran oo xariga looga jarayay mashaaricda maamul u sameynta gobollada dalka.

Munaasabadaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin katirsan dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen ra’iisal wasaare Geeddi iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisal wasaare Geeddi ayaa sheegay in dawladdiisa ay mudnaanta 1aad siinayso gobolka Bay oo iminka fariisin u ah dawladdiisa, waxa uuna ka codsaday beesha caalamka in ay gacan ka siiyaan dawladdiisa sidii awoodeeda ay ugu ballaarin lahayd dalka.

Guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan oo isagana hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa ammaan u jeediyay beesha caalamka sida ay u bar bar taagan yihiin dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka shaqeyn doonaan wax ka qabashada ammaanka magaalada Baydhabo si ay u noqoto goob ay kusoo dhiiran karaan wufuuda beesha caalamka.

Waxaa sidoo kale munaasabadaasi ka hadlay masuuliyiintii ka socotay beesha caalamka sida Mario Rafa’ello oo ah ergayska dalka Talyaaniga u qaabilsan isku duba ridida gar gaardka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Danjire Max’ed Cabdi Afey iyo masuuliyiin kale.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM


© RSTV 2006. All Rights Reserved