|
Qaramada midoobay oo ka digtay in
dowladda Soomaaliya ay bur buri doonto haddii aysan deeq bixiyeyaasha bixin
lacagaha wax looga qabanayo arrimaha Soomaaliya.
QM ayaa waxa ay shaaca qaaday haddii wax laga qaban waayo mashaqada bini
aadanimo ee kataagan dalka Soomaaliya in taasi ay horseedayso bur bur ku
yimaada dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.
Xiriiriyaha QM u qaabilsan gargaarka bini aadanimo ee dalka Soomaaliya
Chirstian Balslev-Olesen ayaa carabka ku dhuftay in beesha caalamka looga
fadhiyo gurmad deg deg ah oo wax looga qabto abaaraha ku dhuftay muddo
sanado ah dalka Soomaaliya, hadii kale buu yiri waxaa bur buri doonaa
dowladdii ugu horreysay ee loo soo dhisay Soomaaliya muddo 15 sanadood ah.
Ergayga QM waxa uu sheegay 25% Soomaalida in ay ku tiirsan yihiin
gargaarka beesha caalamka, waxa uuna yiri haddii aan jawaab deg deg ah laga
bixin mashaqooyinka taagan waxa ay noqonaysa dad kor u dhaafaya 10,000 oo
ruux in ay geeriyoodaan.
Abaaraha waxa ay salfadeen buu yiri 50% xoolaha la dhaqdo, waxa uuna
saadaaliyay in tirada geerida xoolaha ay gaari doonta 80%.
Balsev-Olesen waxa uu xusay inbadan oo ka tirsan deeq bixiyayaasha in
aysan daneyneyn in ay lug ku yeesheen arrinta Soomaaliya oo cakiran tan iyo
sagaashameeyadii, hayeeshee waxa uu tilmaamay in ay ka faa’iideysteen
casharo muhiim ah, waxa uuna yiri shaqaalaha gar gaarka waa kuwa goor hore
ka howl galayay dalkaas.
“waxaanu iminka haysanaa fursad, waxaa socda geedi socod nabadeed oo ay
wadaan baarlamanka iyo dowladda oo aad u jilicsan, laakin fursadii ugu
horreysay muddo 15 sanadood ah dowlad Soomaali ah ay doonayso in ay dalka ku
soo rogto nidaamka iyo kala danbeynta, in ay dhisto ciidanka booliska iyo in
ay sameysato qorshe ammaan qaran” ayuu yiri Balsiv-Olesen oo intaa raaciyay
“fursadaas waxa ay u muuqataa mid sii lumaysa, haddii beesha caalamka aysan
qaadin tallaabo horukac leh oo lagu gacan siinayo geedi socodka nabada iyo
waliba xaaladaha bini aaadanimo ee ka taagan dalkaas.
haddii aan wax ka qaban weyno howlaha bini aadanimo waxa ay horseedaysa
geedi socodka nabada in uu burburo.
Haddii geedi socodka nabada horay loo dhaqaajin waayo waxa ay keenaysaa
in howlaha aan ka wadno deegaanada mashaqada ay ka jirto ay soo wajahayso
caqabad adag”.
Xiriiriyaha QM u qaabilsan howlaha bini aadanimo dalka Soomaaliya ayaa
waxa uu sheegay ku dhawaad 1,000 ka tirsan shaqaalaha gar gaarka in ay ka
howl galaan dalka Soomaaliya, ayadoo ay soo wajahaan marxalado aad u adag.
“waxaa si joogto ah noo soo wajaho hanjabaad, burcad badeed, afduub iyo
isbaaro” ayuu yiri Balslev-Olesen oo intaa raaciyay “dadka qaar waxa ay
sheegaan in ka howl gelinta Soomaaliya ay tahay halka aduunka ugu khatarta
badan”.
Xiriiriyaha QM ayaa waxaa lagu wadaa socdaal in uu ku tago magaalooyinka
ugu muhiimsan dalka Soomaaliya ka hor inta uusan si rasmi ah u codsan lacag
kor u dhaafaysa $325 milyan oo doollarka Mareykanka ah maalinta jimcaha ah.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
© RSTV 2006. All Rights Reserved |