Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ergeyga Qm u qaabilsan howlaha biniaaadminimo ee geeska Afrika oo maanta Baydhabo kula kulmay madaxda dowlada.

Ergeyga QM u qaabilsan hawlaha Bini aadanimada geeska Afrika Kjel Magne Bondevik iyo wafdi ballaaran oo hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan la yeeshay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayadoo wafdigaasi iyo ra’iisal wasaare Geedi ay u kormeer ku tageen degmada Waajid, kadibna uga sii baqoolay magaalada Nairobi.

Wasiirka warfaafinta dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen abaaraha ka jira dalka iyo fatahaada wabiga uu ku yeeshay dadka ku dhaqan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

“waxaanu ka wada hadalnay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeesheen dadka iyo duunyada, waxa uuna noo xaqiijiyay sida QM ay diyaar ugu tahay in ay gacan ka gaysato la tacaalida abaarahaasi, waxa aanu sidoo kale ka hadalnay roobabka ka da’ay dalka iyo waliba fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle” ayuu yiri Maareeye oo ka warbixinayay kulankii maanta ay la yeesheen wafdigii ka socday QM.

Ergayga gaarka ah ee QM ee dhinaca bini aadanimida horayna usoo ahaan jiray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Norway oo isagana saxaafada la hadlay ayaa sheegay saxaafada in ujeedadoodu ay ahayd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, waxa uuna xusay in socdaal ceynkan oo kale ah uu ku tagay wadamada Eritariya, Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya oo dhamaantood ku yaalla geeska afrika.

Wafdigan oo ay ku jireen masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha gar gaarka ee QM iyo wafdi kale oo uu horkacayay ra’iisal wasaare Geeddi ayaa u baqoolay degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo soo indha indheyn doonaan,kadibna waxa ay uga sii gudbeen magaalada Nairobi.

 

Maaxmed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved