|
Murankii ka taagnaa cidii la
wareegi lahayd kursigii uu ka dhintay gen Gaani oo xal loo helay.
Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa
galabta hoygiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay mudanayaasha kasoo jeeda
beesha Sade si meel la isula dhigo qilaafkii ka dhashay cidii badali lahayd
Gen Gaani oo horey uga mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka laakiin
geeriyooday.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan mudanayaasha kasoo jeeda
beesha Sade ayaa lagu gorfeeyey sida xal looga heli karo muranka ka dhashay
ciddi badali lahayd Gen Gaani oo haatan kursigiisa ay isku heystaan wiil uu
dhalay Gaani oo lagu magacaabo Sharmaarke iyo nin kale oo lagu magacaabo C/waaxid.
Xildhibaanadii beesha Sade ka socday iyo gudoomiyaha baarlamaanka dowlada
federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa isku raacay in arintan ay xal ka gaarto
maxkamada sare ayadoo go'aanada kasoo baxa maxkamaduna ay kuwada qanci
doonaan labada nin ee isku heysata kursiga Gen Gaani uu baneeyey.
Wasiirka hantida qaranka iyo qalabeynta dowlada federaalka kmg ah e
Soomaaliya oo kulankaasi ka dib saxaafada hadal siiyey ayaa sheegay in ay ku
qancayaan go'aan walba oo kasoo baxa maxkamada isagoo xusay in haddii C/waaxid
uu kursigaasi ku guuleysto ay soo dhaweynayaan maadaama uu ka mid ah
mas'uuliyiinta beesha Sade kasoo jeeda.
Kulankan maanta ay yeesheen xildhibaanada beesha Sade iyo gudoomiyaha
baarlamaanka ayaa ah kii ugu horeeyey ee labada dhinac dhex mara tan iyo
markii uu cirka isku shareeray muranka ka dhashay cidii la wareegi lahayd
kursiga gen Gaani.
Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM
© RSTV 2006. All Rights Reserved |