Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Bashiir Raage iyo Ciise Cisman oo xubno ka ah isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo maanta maleeshiyadkooda  iska hor imaad culusi uu dhex maray.

Maleeshiyooyin kala taabacsan Ganacsade Bashiir Raage iyo Ciise Cusmaan oo ka wada tirsan Isbaheysiga la baxay dagaalanka argigixisada ayaa maanta iska hor imaad culusi ku dhex maray xaafada Beexaani ee degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo deegaanka Beexaani ee degmada Shibis ayaa sheegaya 2 qof in ay ku geeriyootay 5 kalena ayku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi dhacay ayadoo maleeshiyooyinka iska hor yimid ay isku adeegsadeen hubka culus ee ku rakiban gawaarida dagaalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkan uu ka dhashay gabar ay is xigaan Ciise Cusmaan oo xalay lagu kufsaday xaafada Beexaani oo fariisin u ah Maleyshiyada Bashiir Raage taasoo xaaladeeda caafimaad baaris lagu hayo. Bashiir Raage iyo Ciise Cusmaan ayaa la sheegay iney qadka Taleefoonka kuwada xiriireen markii uu iska horimaadku dhacay ka dib iyagoo isku afgartay iney kala qaadaan Maleyshiyooyinkooda ayna gabadha Xaaladeeda isla arkaan ka dibna ay ka heshiiyaan.

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved