Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mwai Kipaki oo dalbaday in lasoo afjaro xiisadaha colaadeed ee ka jira wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Kenya ahna gudoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wado taageerida dadaalada lagu soo afjaro xiisadaha colaadeed ee ka jira wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan jeediyay xilli uu soo dhaweynayay madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao oo socdaal 3 maalmood qaadanaya ku tagay dalkiisa.

Guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay qaadaan tallaabo lagu dar dar gelinayo meel marinta heshiisyadii nabadeed ee laga hirgaliyay dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.

“dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya waxa ay si aad ah ugu hanqal taageysaa taageerada beesha caalamka si awoodeeda ay ugu fidiso dalkan ay baabi’iyeen dagaalada sukeeye” ayuu yiri Kibaki oo intaa ku daray “wadamada xubnaha IGAD oo daneynaya nabad waarta oo laga hirgalayo Soomaaliya waxa ay ku booriyeen golaha ammaanka ee QM in uu qaado cunaqabatada hubka ee saaran Soomaaliya, waxa ayna carabka ku dhufteen mudnaanta ay leedahay meel marinta mashaariicda hub ka dhigista iyo dhaqan celinta loogu sameynayo maleeshiyaadka”.

Hadalka Kipaki ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii aqoonyahano kasoo jeeda geeska Afrika ay ku eedeeyeen IGAD iyo dalalka deeqaha bixiya in ay halmaameen dalalka Soomaaliya iyo Suudaan

 

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.
RSTV NEWSROOM

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved