Wasiirka koowaad ee xukuumada kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi
ayaa markii ugu horreysay waxa uu kulan la yeeshay wafdigii ka socday Beesha
Ceyr oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Nairobi.
Masuuliyiinta kulankaas ka qeyb gashay ee ka tirsanaa wafdiga Beesha Ceyr
waxaa kamid ahaa xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar, xikldhibaan Xasan Dhimbil
Warsame, guddoomiyaha golaha deegaanka gobolka Banaadir Maxamud Cumar Tootow
iyo xubno kale.
Wararka laga helayo magaalada Nairobi waxa ay sheegayaan in labada dhinac
ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan dagaaladii ka dhacay
magaalada Muqdisho ee dhex maray maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir iyo
isbahaysiga la magac baxay argagixiso la dirirka iyo dar dar gelinta
maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan mar kale golaha deegaanka ay u doorteen
Cadde Gaabow oo uu horay ugu soo magacaabay ra段isal wasaaraha xilkaasi.
Xubnaha wafdiga beesha Ceyr ayaa kala hadlay ra段isal wasaaraha
dhibaatada ka taagan magaalada Muqdsiho oo dagaallo culus ay ku dhex mareen
isbahaysiga oo ay ku bahoobeen wasiiro ka tirsan dowladdiisa iyo maxaakimta
islaamiga, ayadoo xiisadahaasna weli ay ka jiraan magaalada.
Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen hanaanka loo joojin karo taageerada
Mareykanka uu u fidiyo isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada
oo colaad hor leh ka hurinaya dalka, ayagoo qiil ka dhiganaya in ay la
dagaalamayaan shisheeye danbiyo ka galay Mareykanka oo ku dhaamaaleysanaya
gudaha Soomaaliya.
Ra段isal wasaare Cali Max弾d Geeddi ayaa u xaqiijiyay wafdiga beesha Ceyr
in dowladdiisa aysan wax shaqo ah ku lahayn isbahaysigaas oo ay ku bahoobeen
wasiiro ka biyo diidadsan geedi socodka nabadda oo ay wado dowladdiisa, waxa
uuna tilmaamay in Mareykanka uu kala hadlay in ay ixtiraameen madax
banaanida Soomaaliya, isla markaana uu ku war geliyay Mareykanka in arrimaha
Soomaaliya ay kala soo xiriiraan dowladda Soomaaliya.
Ra段isal wasaare Geeddi iyo wafdiga beesha Ceyr ayaa isla gartay in
dowladda iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay iska kaashadaan wax
ka qabashada ammaan darrada ka taagan magaalada si looga dhigo magaalada
goob ay ku shaqeyn karto dowladda kmg ah ee Soomaaliya oo iminka heehaabaysa
magaalada Baydhabo oo qudheeda dhibaato dhinaca ammaanka ay ka jiraan.
kulanka dhex maray ra段isal wasaare Cali Max弾d Geeddi iyo wafdiga beesha
Ceyr ayaa qeyb ka ah dadaallo wafdiga beeshaas ay ku doonayaan in ay ku
yareeyaan saameynta isbahaysiga la magac baxay la dagaalanka argagixisada uu
ku yeelan karo guud ahaan dadka kudhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan
beeshaas oo ku eedeeysay isbahaysigaas in uu lacago kaga soo qaato
Mareykanka si uu ugu fushado falal si gaar ah loogu gumaadayo beeshooda.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Xafiiska RSTV ee Muqdisho.