Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Caamir Muusa oo dalbaday in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka abaartu ku heyso Soomaaliya.

Xoghaya guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa ugu baaqay dhamaan dawladaha xubnaha ka ah jaamacada carabta iyo hay'adaha samafalka carbeed, golayaasha wasaaradeed ee Carabta in kaalin muuqata ay ka ciyaaraan wax ka qabashada xaaladaha bini aamanimo ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Caamir Muuse oo kulan la yeeshay masuuliyiinta jaamaca ay u xil saartay arrimaha Soomaaliya ayaa u xil saaray ururka dhaqaatiirta carabka in ay ka la shaqeeyaan hay'ada islaamiga ee samafalka sidii ay gar gaar u gaarsiin lahayd magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Caamir Muusa waxa uu sidoo kale ugu baaqay Ururka Dhaqaatiirta Carabta in ay si deg deg ah ugu diraan magaalada Baydhabo koox dhaqaatiir ah oo wax ka qabata xaaladaha caafimaad ee magaalada Baydhabo.

Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta waxa uu codsaday in gar gaar la gaarsiiyo dadka ku tabaalaysan gobollada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Qeylo dhaanta kasoo yeedhtay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta waxa ay kusoo beegmaysaa xilli guddiga gurmadka abaaraha ee Soomaaliya weli uu wado dadaallo gurmad deg deg ah lagu gaarsiinayo dadka ku tabaalasyan goobaha abaaraha ay ka jiraan ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
Xafiiska Muqdisho.

 


© RSTV 2006. All Rights Reserved