|
Abaaro xoogan oo ku dhuftey waddamada ku yaalla Afrikada Bari
Sida ay ku waramayaan dadka u shaqeeya Hay'adaha Qaramada midoobey
iyo ururada ka shaqeeya Samafalku waxaa jira Abaaro baahsan oo ku dhuftey
waddamada ku yaalla Afrikada Bari.
Abaarahaasi waddamada ay haleeleen oo ah Ethiopia,Somalia iyo Kenya ayaa
laga soo sheegayaa in ay daku billabeen in ay u dhintaan macaluul iyo Nafaqo
darro. Hay'adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa maalmo ka hor codsatey gargaar
Lacageed oo dhan ilaa $40 Malyuun oo Dollar taasi oo ay isticmaali doonto in
ay wax kaga qabato Dad 1 milyan oo ruux ah oo ay Abaartu ku habsatey dhinaca
Koonfurta iyo Bariga Ethiopia.
Waddamada Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa soo foodsaartay Cunno yaraan
taasi oo laga yaabo in dad badani ay u nuglaadaan in ay u dhintaan Cudurada
ka dhasha nafaqa la'aanta.
Soomaaliya Gobolada Ku yaalla dhinaca Koonfureed sida Gedo, Bay, Bakool
iyo Jubada Dhexe ayaa ah Meelaha ugu daran ee Abaartu haleeshey.
Kenya waxaa laga soo sheegayaa inay tahay Gobolada ku yaalla Bariga iyo
Waqooyiga meelaha ay kajiraan Cunto yaraantu iyo biyaha oo gabaabsi
maraya taasina waxey horseedi doontaa in dadka iyo xooluhuba ay u dhintaan
Harraad iyo Nafaqo la'aan. Isku soo wada duuboo waxaa laga yaabaa in
Abaarahaasi ay Sabab u noqdaan dhimashada kumanaan Dad iyo Duunyaba
leh oo ku dhaqan wadamada ku yaalla Bariga Aftika.
RSTV NEWS ROOM
|