| R/
wasaaraha Ethiopia Meles Zienawi ayaa sheegay inuu sii wadayo taageerad
dhinaca nabada ee uu siinaayo Soomaaliya
Ra段isal wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi ayaa wadahadalo la qaaday
ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee arrimaha
Afrika, Donald Yamamoto, isagoo Meles u gudbiyey mas置ulkaasi fariin uu ka
siday madaxweynaha Soomaaliya.
Marka laga reebo danaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo Ethiopia, waxa ay Meles
iyo Yamamoto ka wada hadleen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira geeska Afrika
oo Soomaaliya ay ku taallo, sida laga soo xigtay wasaarada arimaha dibada
Ethiopia.
Isagoo helay fariin uu soo diray madaxweynahga Soomaaliya oo uu soo
gaarsiiyey wasiirka iskaashiga caalamiga DFS Abdirizaq Usman, ayaa Meles
waxa uu sheegay in Ethiopia ay sii wadayso dadaalkeeda oo aan waxba kala
hari doonin sidii loo xaqiijin lahaa in xasiloni iyo nabad waarata lagu soo
dabaalo dalka Soomaaliya .
Waxa uu sheegay in Ethiopia ay ka go誕n tahay in nabad ay ka dhaliso dalka
Soomaaliya isagoo xusay in nabada Soomaaliya ay dan ugu jirto Ethiopia.
Ra段isal wasaare Meles iyo ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada
Mareykanka Mr Yamamoto waxa ay sidoo kale isla faaqideen dadaalada ay
sameeyeen Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ee ay ku doonayaan in
nabada waarta laga dhaliyo dalka Soomaaliya.
Wasiirka iskaashiag calamaiga ee DFS Abdirizaaq Cusmaan waxa uu kulan uu la
qaaday madaxda Ethiopia ka dib uu saxaafda u sheegay in Ethiopia ay gacan
mug leh ku leedahay arrimaha nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.
Ra段isal wasaraaha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sidoo kale isan
fariin u diray ra段isal wasaraha Ethiopia Meles Zanawi, isagoo fariintaasi
ku sheegay in iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood uu yahay mid sii socon
doono.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|